Baasaboorada Ugu Tayada Wanaagsan Caalamka Iyo Kuwa Ugu Liita

0
397

Bogga wax ka qora arrimaha socdaalka caalamka ee Henley Passport Index oo ay aqoonsan tahay hay’adda maamusha duulimaaduada caalamak ee IATA, ayaa qiimeyn ku sameeyay baasaboorada caalamka kuwooda ugu tayada wanaagsan ee la qadariyo, dadka watana ay si sahlan ugu safri karaan iyo kuwa ugu liita ee ay adag tahay in dadka sita ay si fudud ku tagaan dalal badan oo caalamka ah.

Baasaboorka dalka Japan ayaa noqday kan ugu tayada wanaagsan caalamka oo dadka heysta ay si fudud ugu safri karaan daafaha caalamka.

Dadka heysta baasaboorka dalka Japan ayaa dal ku gal la’aan ku tegi kara 191 dal oo caalamka, waxaana ay dal ku galka ama viishaa ay ka heli karaan meesha ugu horeyso ee ay ka galaan dalalkaas.

Waxaa muuqato in qiimeynta la sameeyay ay ugu horeeyaan dalalka qaaradda Aaasiya, waxaana kaalinta labaad galay dalka Singapore.

Dadka heysta baasaboorka dalkaas waxay fiisa la’aan tegi karaan inkabadan 190 wadan oo caalamka ah, halka kaalinta saddexaadna ay ku jiraan dalalka Kuuriyada Koonfureed iyo Jarmalka oo muwaadiniinta u dhashay wadamadaas ay 189 dal ku tegi karaan si sahlan, iyadoona dal ku galka laga siinayo halka ugu horeysa ee ay ka galaan wadamadaas.

Dalalka Yurub ayaa sidoo kale soo galay kaalimaha ugu horeeya, kuna badan kaalinta 10-aad, waxaana kaalinta afaraad ku jira dalalka Finland iyo Spain, halka dalalka Luxembourg iyo Denmark ay soo galeen kaalinta shanaad, Faransiiskana wuxuu ku jiro kaalinta lixaad.

Dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa la sheegay in ay hoos uga dhaceen kaalimihii hore ee ay ku jireen.

Dalka Ingiriiska ayaa hoos u dhaca ku yimid lagu tilmaamay jahwareerka ka dhashay ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub, waxaana Ingiriiska uu hadda ku jiraa kaalinta sideedaad.

Britain ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay ku jirtay kaalimaha ugu horeeya.

.

Sida lagu qoray Henley Passport Index, dalka Imaaraatka Carabata ayaa lagu qiimeeyay waddan guul badan ka gaaray sare u qaadidda tayada baasaboorkooda, maadaama dalkaas dad badan oo caalamka ay dalxiis u tagaan.

Baasaboorka dalka UAE ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay wuxuu ku jiray kaalinta 47-aad, balse hadda waxaa lagu qiimeeyay kaalinta 18-aad, waxaana dadka heysta baasaboorka dalkaas ay dal ku gal la’aan tegi karaan 171 wadan oo caalamka ah.

Baasaboorada sanadkan 2020 ugu wanaagsan caalamka waxay kala yihiin:

  1. Japan (191 destinations)
  2. Singapore (190)
  3. Kuuriyada Koonfureed, Jamalka (189)
  4. Talyaaniga, Finland (188)
  5. Spain, Luxembourg, Denmark (187)
  6. Sweden, Faransiika (186)
  7. Switzerland, Burtiqiis, Netherlands, Ireland, Austria (185)
  8. Mareykanka, Ingiriiska, Norway, Griiga, Belgium (184)
  9. New Zealand, Malta, Jmahuuriyadda Czech, Canada, Australia (183)
  10. Slovakia, Lithuania, Hungary (181)

Baasaboorada ugu liita caalamka sannadkan 2020 waxay kala yihiin:

Dalal dhowr ah oo caalamaka ayaa baasabooradooda dal ku gal la’aan lagu tegi karaa waxkayar 40 dal. Waxayna ku jiraan lambarada ugu hooseeya:

  • 100. Kuuriyada Waqooyi, Sudan (39 destinations)
  • 101. Nepal, Falastiin (38)
  • 102. Libya (37)
  • 103. Yemen (33)
  • 104. Soomaaliya, Pakistan (32)
  • 105. Suuriya (29)
  • 106. Iraq (28)
  • 107. Afghanistan (26)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here