Faransiiska Oo Marti-geliyay Shir Lagaga Hadlayo Mustaqbalka Wadamada Galbeedka Afrika

0
283

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa kulan la qaatay hogaamiyeyaasha wadamada loo yaqaan Saahil ee dhaca galbeedka Afrika oo kala ah Mauritania, Mali, Burkina Faso, Niger Chad.

Kulanka oo ay martigalisay dowlada Faransiiska ayaa waxaa lagaga hadlay dagaal ka dhan ah kooxaha Argagixisada iyo joogitaanka Milatariga Faransiiska ee ku sugan Gobolka.

Khilaafka u dhaxeeya dowlada Faransiiska iyo wadamada Sahel ayaa mudooyinkan cirka isku sii shareeray taasi oo shaki galisay xidhiidhka labada dhinac iyadoo la filayo in isfahamwaagan looga hadlo kulanka ka dhacay magaalada Pau ee dhacda koonfurta Galbeed ee dalka Faransiiska.

Madaxweynaha Mali Ibrahim Boubacar Keita dhiggiisa Burkina Faso, Roch Marc Christian Kabore, Mahamadou Issoufou oo maamula Niger hogaamiyaha Mauritania Mohamed Ould Ghazouani, iyo madaxweyne Idriss Deby, ayaa ka soo muuqday kulanka.

Ku dhowaad 4,500 oo askari oo ka tirsan Milatariga Faransiiska ayaa ku sugan galbeedka Afrika kuwaasi oo taageera ciidanka wadamadan oo dagaal kula jira kooxo hubeysan oo gacan saar la leh ururada Al-Qaacida iyo Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here