Turkiga Oo U Yeedhay Safiirka Dalka Masar U Jooga Magaalada Ankara

0
343

Dowlada Turkiga ayaa u yeedhay safiirka dalka Masar u fadhiya magaalada Ankara, si wax looga weydiiyo howlgal ciidanka amniga ku galeen xafiiska wakaalada wararka ee Anadolu ku leedahay magaalada Qaahira.

Wakaalada wararka Turkiga ayaa tabisay in ciidanka Masar ay habeenimadii xalay howlgal waqti badan qaatay ka sameeyeen gudaha Xarunta.

Booliska Qaahira ayaa dhanka kale xabsiga u taxaabay afar ka mid ah shaqaalaha warbaahinta Turkiga.

Sida laga soo xigtay Anadolu, afarta qof ee la xidhay ayaa mid ka mid ah u dhashay Turkiga halka sadaxda kale ay yihiin muwaadiniin u dhashay Masar.

Warka ayaa intaa ku daraya in aan wali la aqoon halka ay ciidanka amniga Masar ula dhaqaaqeen Dadkaan.

Wasaarada arimaha dibada Turkiga ayaa sheegtay in ficilkaan uu muujinayo mas,uuliyad xumida hogaanka Masar ka jira iyo inlagu xadgudbayo xuquuqda xorta ah ee Hadalka.

Ciidanka Amniga Masar ayaa dhanka kale loogu baaqay in si deg deg ah xorriyadooda ay u siiyaan dhamaan shaqaalaha wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu.

Xukuumada Ankara iyo Qaahira ayaa xidhiidhkooda ahaa mid aan wanaagsaneyn tan iyo markii afganbiga xilka looga tuuray sanadkii 2013-kii madaxweyne Maxamed Mursi oo shacabka Masar ay soo Doorteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here