“Baarlamaanka Galmudug Oo Guddoomiye Cusub doortey’

0
402

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa maanta oo Jimce ah lagu qabtey doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka 2aad ee Maamulka Galmudug oo ay ku tartameen laba musharax.

Doorashada oo aad u kululeyd ayaa waxaa ku tartamay Xildhibaan Dr Maxamed Nuur Gacal & Xildhibaan Cabdi Naasir Aadan Cismaan,waxaana guddoomiyaha Baarlamaanka 2aad ee Galmudug loo doortey Xildhibaan Dr Maxamed Nuur Gacal.

Ka hor doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa tartanka isaga harey Cabdullaahi Axmed Calasow oo kamid ahaa musharixinta Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Guddiga KMG ah ee doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa shaaciyey in Dr Maxamed Nuur Gacal uu helay 54 cod halka Cabdi Naasir Aadan Cismaan uu helay 34 Cod, hal cod ayaa halaabey,waxaana codeeyey 89 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

Daqiiqadaha soo socda  ayaa waxaa la guda geli doonaa doorashada Guddoomiye kuxigeenada 1aad iyo labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay ku tartami doonana min laba musharax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here