“Dad Ayaa Diyaarad Lagu Garaacay Run Weeye Laakiin…” Mas’uul Ka Tirsan Dawladda Soomaaliya Oo Sheegay In Uu Sax Ahaa Xasuuqii Dadka Reer Somaliland Ay U Gaysatay Dawladdii Siyaad Barre

0
424

Jen. C/raxmaan Cabdi Xuseen Guulwade oo ka mid ah Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo ee Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sheegay inuu sax ahaa duulaankii dowladdii Kacaankii ku qaaday Gobolada Waqooyi ee hadda la baxay Somaliland.

Jen. Guulwade oo ahaa Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed xilligii ay dhaceysay dowladdii Milateriga aheyd ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre ayaa sheegay in duulaankaas loo qaaday si loo difaaco midnimada iyo qarannimada dalka.

“Dad ayaa diyaarad lagu garaacay run weeye, dad ayaa la laayay run weeye, laakiin dal kasta oo adduunka hal ma ogolaan karo, madax banaanidiisa iyo midnimadiisa in lagu ciyaaro dowlad adduunka ogol ma jirto, ciidan jabhad oo iyagoo hubeysan oo dalka inay kala gooyaan diyaar u ah ayay magaalada soo galeen, dowladdii markaas jirtay ma waxaa kula talin laheyd inay soo kala cararaan, dowlad kasta adduunka joogta waxay mas’uul ka tahay madax banaanida iyo midnimada, cidii midnimadaas halis ku ah waxay xaq u leedahay wax kasta awood ah inay isticmaasho” ayuu yiri Jen. Guulwade Wareysi uu siiyay Barnaamijka Garnaqsi ee soo saaraha ka yahay Wariyaha rug-cadaaga ah Yuusuf Xasan oo ka baxa Shabelle TV.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here