Friday, April 26, 2024
Home Warar Dhallinyaro Soomaali Ah Oo 170,000 Oo Dollar Magdhow Ahaan Uga Helay Dowladda...

Dhallinyaro Soomaali Ah Oo 170,000 Oo Dollar Magdhow Ahaan Uga Helay Dowladda Maraykanka

0
345

Agaasimaha Fulinta ee Golaha Xidhiidhka Maraykanka iyo Islaamka ee Gobalka Minnesota ee dalkaasi, Jaylaani Xuseen ayaa sheegay in Heshiis laga gaadhay dhacdadii ay Boliska magaaladaasi sida kediska ah ugu jeebadeeyaan 4 dhallinyaro Soomaali ah sannadkii 2018-kii.

Dhallinyaradaasi oo walaalo ah, da’doodana u dhexeeyso 13 ilaa 16-jir ah ayaa waxaa katiinad ku jeebadeeyey Saraakiil Bolis oo ka tirsan Boliska ku shaqada leh Goobaha Barxadaha iyo Jardiinooyinka ee magaalladda Minneapolis.

Shilkaasi oo ka dhacay Barxadda jardiin Gobaleedka ee Minnehaha Regional Park bishii July 10-dii ee sanadkii 2018-kii,  iyadoo mid ka mid ah Saraakiisha Boliska uu qorigiisa ku cabsi-geliyey dhallinyaradaasi oo gacmaha laga katiinadeeyey.

Agaasimaha Fulinta ee Golaha Xidhiidhka Maraykanka iyo Islaamka ee Gobalka Minnesota ee dalkaasi, Jaylaani Xuseen waxa uu sheegay inay Boliska magaalladda Minneapolis la gaareen Heshiis ay Magdhow kaga bixinayaan Tacadiga iyo Cabsi-gelinta loo geystay dhallinyarada Soomaalida ee Toban jirayaasha ah.

Waxa uu xusay inay labada dhinac isla gaadheen inay Boliska Minneapolis inay bixiyaan 170,000 oo Dollar oo si siman loogu qeybinayo Qoyska afarta wiil ee dhibanayaasha ah.

Jaylaani Xuseen iyo Hooyada dhashay dhallinyaradaasi oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Minneapolis waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay Boliska qirteen inay qirteen inay dhacdadaasi ka dambeeyey, kana bixinayaan magdhow iyo Raalli-gelin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

%d bloggers like this: