Haweeneydii Ugu Horeysay Oo Loo Doortay Xilka Madaxtinimada Ee Dalka Gariiga

0
346

Mid ka mid ah garsoorayaasha ugu weeweyn ee dalka Gariiga ayaa loo doortay haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota Dalkaasi.

Ms Ekaterini Sakellaropoulou ayaa arbacadii shalay waxay taageero ka heshay xisbiga haya talada ee conservative iyadoo ay aqbaleen mudanayaasha baarlamaanka Gariiga.

Tani ayaa qeyb ka ah dadaalada lagu mideynayo xisbiyada siyaasada si meesha lagaga saaro burburka dhaqaale uu dalkaasi wajahayay 15-kii sano ee la soo Dhaafay.

Haweeneydaan oo 63 jir ah ayaa aqoon balaadhan u leh cilmiga deegaanka iyo Garsoorka waxaana ay shaqada kala wareegi doontaa madaxweyne Prokopis Pavlopoulos, oo muddo xileedkiisa shanta sanno ah ay dhammaan doonto bisha sadaxaad ee Maarso.

Badhtamaha isla bishaas ayaa Ms Ekaterini Sakellaropoulou waxaa si rasmi ah loogu dhaarin doonaa xilka Madaxtinimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here