Maalqabeen Reer Zimbabwe Ah Oo Malaayiin Doolar Ugu Deeqay Dhakhaatiirta Dalkaasi

0
350

Dhakhaatiirta reer Zimbabwe ayaa ogolaaday in ay goobahooda shaqada ku laabtaan ka dib markii ay aqbaleen ballanqaad uga yimid nin maalqabeen ah oo u dhashay dalkaasi, arrintaasi oo soo afjartay shaqo joojin muddo socotay.

Shaqo joojintan oo ka dhalatay mushaar yari iyo xaaladdaha liita ee ay dhakhaatiirtu ku shaqeeyaan ayaa socotay muddo afar bilood ah, arrintaa oo curyaamisay adeegga daryeelka caafimaad ee dalkaasi.

Sanadkii la soo dhaafay, ayaa Strive Masiyiwa oo ah nin maalqabeen ah waxa uu ballanqaaday 6.25 milyan oo doolar si loo soo afjaro is-mariwaaga u dhaxeeyay dowladda iyo dhakhaatiirta dalkaasi.

Waxa uu sheegay in lacagtani mushaar ahaan loo siin doono ilaa 2,000 oo dhakhaatiir ah, kuwaa oo kiiba lagu kabi ku dhawaad 300 oo doolar bishiiba si ay uga caawiso gaadiid raaca iyo kharashaadka kale ee noloshooda.

zimbabwe

Maalqabeenkaasi oo ku nool dalka UK, ayaa dhakhaatiirtani kharashkaasi ku bixin doona muddo lix bilood ah, iyada oo loo sii marin doono barnaamijka Higherlife Foundation, oo ah hay’ad samafal.

Haseyeeshee, ilaa hadda lama oga waxa xigi doono marka wakhtigasi uu dhammaado.

Warbixin qoraal ah oo uu soo saaray ururka midoga dhakhaatiirta dalkaasi Zimbabwe ee ZHDA ayaa lagu xaqiijiyay in la aqbalay dalabka Masiyiwa.

“Marka la eego waxa haatan soo kordhay, ZHDA waxay dooneysaa in ay hay’ada Higherlife Foundation ugu mahad celiso deeqdeeda ay mar labaad gaarsiineyso dhammaan dhakhaatiirta dowladda,” ayaa lagu yiri qoraalka ZHDA.

zimbabwe

“ZHDA waxay ku dhiirrigelineysaa dhammaan xubinaheeda in ay codsadaan deeqda tababarrada ka hor wakhtiga loo cayimay.”

Dr Tawanda Zvakada, waa afhayeenka ururka ZHDA, waxa uuna BBC-da u sheegay in dhakhaatiirtu ay wali raadinayaan sidii xal waara loogu heli lahaa arrintan.

Inta badan dhakhaatiirta shaqo joojinta sameeyay ayaa mushaar ahaan u qaadanahay wax ka yar 100 doolar, waxaana ku adkayd in ay helaan cuynno iyo xitaa in ay tagaan goobahooda shaqada.

Dhakhaatiirtani ayaa dalbanaya in mushaarka loo kordhiyo oo ugu yaraan la gaarsiiyo 300 oo doolar. Dhaqaalaha dalka Zimbabwe ayaa sii burburaya, waxaana sii sarakacaya heerka shaqo la’aanta, cunno la’aanta iyo sidoo kale korontada oo dadku ay dhibaato badan ku qabaan.

zimbabwe

Dowladda dalkaasi ayaa sheegtay in aysan awoodin in dhakhaatiirtu ay fuliso dalabkooga, walina kama aysan hadlin kaalmada uu bixinayo Masiyiwa oo ah milkiilaha shirkadda isgaarsiinta ee Econet. Hantidiisa ayaa lagu qiyaasaa 1.1 bilyan oo doolar.

Dalka Zimbabwe, tan iyo sanadkii 2017, waxaa madaxweyne ka ahaa

Emmerson Mnangagwa, ka dib markii milatariga dalkaasi uu xukunka ka tuuray madaxweyne Robert Mugabe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here