Ilma Yar Oo Si La Yaab Leh Ugu Dhex Dhashay Diyaar Hawada Ku Jirtay

0
375

Diyaarad ay leedahay Qatar Airways oo ka soo duushay Magalaada Doxa kuna sii jeeday Bangkok, ayaa la kulantay arrin nadir oo ay adag tahay in lagu arko duulimaadyada diyaaradaha.

Diyaaradda oo hawda ku jirtay ayay shaqaalihii saarnaa waxay dadkii rakaabka ahaa weydiiyeen hadii uu jiro qof dhakhtar ah oo saaran diyaaradda.

Dadkii diyaaradda saarnaa ayaa isweydiiyay sababta dhakhtar loogu baahan yahay?

Alena Fedchenko, oo ah gabar u dhalatay dalka Ukraine ahna dhakhtar ku takhasustay dhagaha, cunaha iyo sanka oo ka mid ahayd dadkii saarnaa diyaaradda, balse markaasi kasoo laabatay dalxiis ayaa shaqaalihii u sheegtay inay tahay dakhtar, waxayna u sharaxeen sida ay wax u dhaceen.

Markii ay sheegtay inay tahay dhakhtar waxaa loo kaxeeyay qol ay ku sugnayeen shaqaalaha diyaaradda, halkaas oo ay jiiftay haweeney foolaneysay.

“Waxaan ka cabsi qabay in ay wax iga khaldamaan, balse waxwalba way hagageen,” ayay tiri.

Ms Fedchenko ayaa BBC-da u sheegtay in ay wax ka qabatay xaaladda haweneydii foolaneysa, 15-ila 20 daqiiqo gudahoodna ay kaga ummulisay, intii ay diyaaradda hawada ku jirtay.

FACEBOOK ALENA FEDCHENKO

“Waxaan jaray xudunta canugga, mandheertana bannaanka ayay usoo baxday”, ayay tiri Fedchenko, oo wax ka baratay Jaamacadda Kiev ee dalka Ukraine, halkaa oo ay qasab tahay in dhammaan dhakhaatiirta ay bartaan culuunta umulusanimada.

“Ilbiriqsiyo gudahood waxaan dib usoo xusuustay wixii aan aqiinay ee aan bartay”, ayay racaisay hadalkeeda.

Haweeneydan ayaa sheegtay inay xiratay gacamo gashiga ay dhakhaatiirta adeegsadaan, ayna markiiba guda gashay sidii ay uga ummulin laheyd.

“ka dhallinta waxay ahayd mid degdeg ah, wax dhib ahna kala ma aanan kulmin,” ayay tiri Ms Fedchenko.

“Haweeneyda ma aanay qeylinin, waxaana ku iri waxba ha walwalin, anigu waxaan ahay dhakhtar oo waxwalba way hagaagayaan,” ayay sheegtay inay ku tiri haweeneydi.

Waxay intaa ku dartay in canuga uusan ahayn dhicis oo uu yahay canug caafimaad qaba. Duuliyihii diyaaradda ayaa mardambe shaaciyay in uu cunug ku dhashay diyaaardda, waxaana markiiba farxad la qeyliyay rakaabkii saarnaa.

Haweeneydii ayaa markii dambe la geeyay magaalada Kolkata ee dalka Hindiya, halkaas oo isbitaal ku yaalla la seexiyay hooya iyo canuggeeda. Diyaaradda ayaa markii dambe ka soo duushay Hindiya, waxayna usii safartay dalka Thailand.

Shirkadda duulimaadyada ee Qatar Airways, shuruucda ay ku shaqeyso waxaa ka mid ah in haweenka xaamilada ah aanan loo oggolaanin inay ku safraan diyaaradahooda, illaa iyo haddana kama aysan hadlin arrintan.

Dadkii rakaabka ahaa ee diyaaradda saarna ayaa dhammaan u mahadceliyay gabadhii dhakhtaradda ahayd, waxaase la isweydiinayaa dhalasha ahaan halka ilmahaas yar ee ku dhashay diyaarad hawada ku jirtay dhexdeeda loo saarin doonaa?.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here