Soomaaliya iyo Rwanda Oo isku Furaya Albaabada Ganacsiga

0
395

Dowladaha Soomaaliya iyo Rwanda ayaa kala saxiixday heshiis la isu furayo hawada labada dal si loo sahlo ganacsiga labada dal, iyo sidoo kale isku socodka bulshada.

Maxamed Cabdulaahi Salad Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada oo ku sugan dalka Rwanda ayaa heshiiskan la kala saxiixday dhigiisa dalka Rwanda, waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka faaideysan doonto horumarka ka jira dalka Rwanda.

“Aad ayaan idinkugu hanweynahay adinkoo dagaalo sokeeye iyo xasuuq ka soo kabatay haatana heer wanaagsan aad gaarteen,waxaan rajeynayaa in arrintan ay noqon doonto tallaabadii ugu horeysay ee dhinaca ganacsiga labada dal ay hore u qaadeen,”ayuu yiri Wasiir Salad.

“Waxaan hubaa in dhowaan aad arki doontaan ganacsato badan oo Soomaali ah kuwaasoo ku qulqulaya dalkiina si ay u maalgashtaan,adinkana waxaan idinka rajeyneynaa in ganacsatadiina ay Soomaaliya yimaadaan,”ayuu sii raaciyay Wasiirka gaadiidka Soomaaliya.

Wasiirka Kaabayaasha dalka Rwanda Gatete ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay kii boqolaad oo ay dalal caalamka ka tirsan la saxiixatay dowlada Rwanda, uuna rajeynayo in albaabo ganacsi oo cusub u furo labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here