Mareykanka Oo Kenya U Soo Diraya Saraakiil Ka Caawiya Dagaalka Al-Shabaab

0
294

Mareykanka oo qeyb ka ah dalalka la dagaalama Al-Shabaab ayaa haatan sare u sii qaadaya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dowladda dalkaasi ayaa shaacisay inay Kenya u soo direyso saraakiil sare sare oo ay sheegtay inay Kenya ka caawin doonaan, sida ay uga hortagi laheyd weerarada Al-Shabaab.

Saraakiisha uu Kenya u soo dirayo Mareykanka oo aan la shaacin tiradooda ayaa ka tirsan ha’yadda dambi baarista dalkaasi ee loo soo gaabiyo FBI-da.

Sidoo kale dolwadda Mareykanka ayaa tilmaamtay in saraakiisha ay soo direyso ciidamada Kenya, gaar ahaa kuwa la dagaalama argagixisada ay ka taageeri doonaan dhinacyada tababarada iyo sidoo kale sare u qaadida baaritaanada ay sameeyaan.

Kenya ayaa sidoo kale ku dhowaad 50 sarkaal oo ka tirsan ciidankeeda u dirtay dalka Mareykanka, kuwaas oo tababar muhiim ah ku soo qaadanaya Machadka tababarada hay’adda FBI-da ooo ku yaalla gobolka Varginia ee dalkaasi, kaas oo soconaya sadex bil.

Mareykanka ayaa saldhig ciidan ku leh gudaha Kenya, kaas oo dhowaan ay weerar khasaare badan geystay ku qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Hadalkaan ayaa ka soo yeeray dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ay kordheen weerarada Al-Shabaab ee dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here