DEG DEG:Xaalad Khilaaf Cakarin Oo ka Taagan Deeganka Jaleelo Oo Ku Yaal Duleedka Magaalada Caynaba Ee Xarunta Gobalka Saraar.

0
332

Deeganka jaleelo oo 15 KM dhanka galbeed ka xiga magaalada caynaba ee xarunta gobalka Saraar oo beryihii u danbeeyay uu ka taagna muran u dhaxeeya laba reer oo wada deega deganka iyo gobalka saraar taas oo ay isku haystaan beer ku taal deeganka oo an wali si sax ah loo cadayn cida leh iyadoo beelkastaba ay soo bandhigtay cadaymaha ay ku sheeganayso inay leedahay beertan.

 

Maamulka gobalka saraar iyo masuuliyinta laamaha dawlada gobalka saraar xildhibaanada golaha deeganka degmada caynaba iyo madax-dhaqameedka gobalka saraar oo la kala saftay labadan beelod ee isku haystay dhulka beerta ah ee deganka jaleelo.

 

Badhasaabka gobalka saraar Axmed Maxamed Xaashi, Iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka saraar Oo Ah Masuuliyiinta Ugu sareeya Gobaalka Saraar Oo wakhtigan khilaafku ka taagan yahay gobalka saraar la saftay mid kamida beelahaan isku haya dhulka iyago xabsiga u taxaabay Odayaal, cuaqaal siyaasin iyo xubno kamida guddida mid kamida beelahan sida ay noo xaqiijiyeen goob joogayal ku sugan magaalada caynaba.

 

xukuumada somaliland oo an wali wax go’aano ah kaso saarin xaalada khilaaf ee ka taagan gobalka saraar iyago halkaa ay isku hor fadhiyaan labadii beelod oo qaar kamid ah maamulka gobalka saraar xabsiga u taxaaben.

 

 

wararkan wixii kaso kor dhah kala soco BurcoOnline.

Image may contain: 2 people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here