Nin Hubaysan Ah Oo Dad Ku Laayay Maqaayado Ay U Badan Yihiin Kurdiyiinta

0
294

Nin hubaysan ayaa rasaas ku furay maqaayado shiishadda lagu dhuuqo oo ku yaal magaalada Hanau ee galbeedka Jarmalka, halkaas oo uu ku dilay ugu yaraan sideed oo qof, sida ay sheegeen booliska.

Dadka ku sugnaa labada maqaayad ee la beegsaday ayaa lagu soo warramayaa inay u badnaayeen Kurdiyiin.

Meydka ninka la tuhunsan yahay iyo kan hooyadii ayaa laga helay guriga uu degganaa. Booliska ayaa rumaysan inuu isdilay.

Dacwad oogayaasha heer federaal ayaa sheegay in falkaasi ay u arkaan mid argagixiso, iyadoo ninka lala xiriiriyay koox midigta fog u janjeerta oo xagjir ah.

Booliska magaaladaasi ayaa muddo todoba saac ah baadi-goobayay ninka weerarka geystay, waxaana markii dambe ay meydkiisa ka heleen gurigiisa oo u dhaw maqaayada labaad ee uu toogashada ka fuliyay.

Reuters

Hanau waa caasimadda gobolka Hesse, waxaana ku nool dad lagu qiyaasay boqol kun oo qof.

Wasiirka arimaha gudaha ee Hesse, Peter Beuth, ayaa sheegay in weerarka ay ula taacalayaan inuu yahay mid argagixiso oo ka dhan ah ajaaniibta.

Weerarka ayaa ku soo beegmay afar maalin uun kadib markii ay toogasho uu qof ku dhintay ka dhacday meel u dhaw bandhig majaajillo oo dad Turki ah ku lahaayeen magaalada Berlin.

Shuruucda xakameynta hubka ee dalka Jarmalka ayaa kamid ah kuwa ugu adag caalamka, waxaana la sii adkeeyay sanadihii dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here