Hogaamiye Afrikaan Ah Oo Loo Heysto Dilka Xaaskiisa Oo Maanta Maxkamad Lasoo Taagayo

0
321

Booliska dalka Lesotho ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha dalkaas, Thomas Thabane, oo da’diisu ay tahay 80 sano jir maanta loo maxkamadeyn doona dilka xaaskiisi hore, Lipolelo Thabane.

Inkastoo uusan Mr Thabane ka hadlin eedeymaha loo soo jeediyay ayaa haddana waxaa uu ku dhawaaqay in uu xilka ka degayo bisha Luulyo ee sanadkan, waxaana uu intaa raaciyay in uu duqoobay.

Xaaska uu haatan qabo ayaa sidoo kale dhawaan lagu so eedeeyay inay dishay xaaskii lala qabay. Waxaa uu noqonayaa hogaamiyihii ugu horeeyay ee Afrikana ah ee lagu dacweeyo dil isagoo xafiiska haya.

Lipolelo, oo 58 jir ahayd ayaa toogasho lagu dilay laba maalin kahor doorashadii 2017, kahor inta uusan Thabane noqonin ra’iisul wasaare.

Markii la dilay xaaskiisa, waxaa uu falkii dhacay ku tilmaamay “axmuqnimo”, balse booliska waxay haatan ku eedeeyeen in uu ku lug lahaa dilka xaaskiisa.

“Booliska waxay hataan ka shaqeynayaan sidii maanta oo jimca ah maxkamad loo soo taagi lahaa”, ayay sheegeen booliska Lesotho.

LESOTHO TIMES

Sidoo kale taliye ku xigeenka booliska Lesotho, Paseka Mokete ayaa isna xaqiijiyay in ra’iisul wasaaraha maxkamad lasoo taagi doona maanta oo ay taariikhdu tahay 21-ka bisha 2aad.

Muxuu arrintan ka yiri ra’iisul wasaaraha?

Mr Thabane oo la hadlay warbaahinta Qaranka ee dalkaas ayaa sheegay in dalkiisa uu ugu adeegay si hufan, xilkana uu ka degi doona bartamaha sanadkan, waxaana uu yiri: “Waxaan ka shaqeeyay Lesotho xasiloon oo nabad ah, da’da aan haatan joogana waxaa muuqtaa in aan daalay”.

Xisbiga talada haya ayaa ra’iisul wasaaraha u qabtay in kama dambeys uu isku casilo muddo toddobaad ah.

Waxaa lagu soo warramayaa inay adag tahay in ra’iisul wasaraaha Lesotho uu arintan ka weecdo, waxaana taas ay dalka Lesotho u horseedi doontaa dhibaato dhanka dastuurka ah, maadaama hogaamiye xil haya aanan maxkamad lasoo taagi karin.

Xaaskii hore ee hogaamiyaha Lesotho ayaa la dilay xilli ay kusii jeeday guri ay leeyihiin qoyskooda oo ku yaala tuulo ku taala duleedka caasimadda Maseru.

Reuters

Xilliga la dilay waxaa uu khilaaf ku saabsan furriin kala dhaxeeyay raiisul wasaare Thabane, waaana xilligaas uu ra’iisul wasaaraha la joogay xaaska uu hataan qabo ee Maesaiah.

Xaaska koowaad ee la dilay ayaa ku guuleysatay in iyada loo aqoonsado haweeneyda koowada ee dalkaas kadib markii maxakamd ay tagtay, arrintaas oo ka hor timid damacii xaaska labaad oo dooneysay in iyada ay noqoto.

Maesaiah oo ah xaaksa hataan u dhexda ra’iisul wasaraaha ayaa Thabane kala qeybgashay xafladda dhaarinta iyadoo tacsida ay taalo.

Maesaiah oo lagu soo oogay dacwad ah inay iyada dilka ka dambeysay ayaa lagu soo daayay damiin lacageed, ilaa iyo haddana ma aysan qiranin wax dembi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here