Salaadinta Beelwaynta Habar-jeclo Oo Mudo Dheer Sugayey Inay La Kulmaan Madaxwayne Biixi Iyo Wax Jawaab Ah Oo Anay Wali kahayn.

0
347

Salaadinta Beelwaynta Habar-jeclo Oo Mudo Dheer Sugayey Inay La Kulmaan Madaxwayne Biixi Iyo Wax Jawaab Ah Oo Anay Wali kahayn.

Salaadiinta beesha HJ oo mudo 3 bilood ah Hargeisa ku sugnaa ayaa u jeedkoodu ahaa Sidii ay Madaxwayne biixi ula kulmi lahaayeen ee Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye ugala hadli lahaayeen lakin balantaas ayaan ilaa hada waxba ka suurto gelin. 
 Salaadiiinta iyo Wasiirada Beesha HJ ayaa guriga Xildhibaan Obaame ku kulmay 10/11/2019 halkaas oo wasiiradu u balan qaadeen in ay madaxwayne biixi salaadiinta balan ugu soo samaynayaan lakin balantaas baan gebi ahaanba suurto gelin. 
 waxaa marlabaad fooda laysku daray isla guriga Xildhiban obaame hal kaaas oo salaadinta iyo wasiirada beesha HJ ay mar labaad ku kulmeen una balan qaadeen in ay madaxwaynaha balan uga soo sameeyaan lakin nasiib daro wasiiradii ayaa arintaa tahli kari waayey. 
Manta oo ay tahay 22/2/2020 waxay salaadiinta beesha HJ quus ka taagan yihiin sidii ay madaxwaynaha u arki lahaayeen ee arintii Xisbiga kulmiye wax uga waydiin lahaayeen, si kasta ha ahaatee arintan ayaa noqonaysa mid mudo soo jiitamaysay welina aan xal laga gaadhin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here