Bilaal Libaax Ayaa Cunay Balse Dowladdu Waxay Baadhaysaa Sababta “Uu u Dhintay”

0
391

Meydka wiil dhallinyaro ah ayaa laga helay gudaha xero libaaxyadu lagu xannaaneeyo oo ku taal beerta xayawaanka ee Lahore, maalin uun ka dib markii la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay.

Saraakiisha dalkaasi Pakistan ayaa sheegay inay baarayaan sida Muxammad Bilaal, oo 17 jir ah uu uga gudbay siligga ku oodan xeradaasi iyo waxa sababay dhimashadiisa.

Balse dadka deegaanka ayaa dhimashadiisa ku eedeeyay karti xumada shaqaalaha xeradaasi. Horraantii usbuucan ayay ahayd markii la bililaqaystay xafiisyada beertaasi xayawaanka lagu xannaaneeyo.

Xeradaasi xayawaanaadka ee Lahore Safari oo ay dowladda maalgeliso ayaa la aasaasay sanadkii 1982, waana seeraha ugu baaxadda weyn isla markaana ugu faca weyn dalkaasi Pakistan.

Chaudhry Shafqat oo ah maamulaha seerahaasi, ayaa BBC-da u sheegay in dad ka yimid tuulo u dhow seerahaasi ay habeen hore booqdeen xeradaasi libaaxyadu lagu xannaaneeyo, iyagoo codsanaya in laga caawiyo sidii meydka halkaasi looga soo saari lahaa.

bilaal

“Waxaan u sheegnay in ay tahay xilli dambe isla markaana ay halis tahay in halkaa baaritaan laga sameeyo maadaama ay mugdi tahay,” ayuu yiri Shafqat.

Aroornimadii shalay oo Arabaca ahayd ayaa shaqaalaha xeradaasi libaaxyada lagu xannaaneeyo waxay heleen haraaga meydka wiilkaasi oo ka kooban madax, lafo iyo dharkii uu xirnaa oo daldallaacsan kaa oo eheladiisa ay markii dambe aqoonsadeen.

Saraakiisha ayaa sheegaya in ehelada wiilkaasi ay u sheegeen in uu xaafaddooda ka tagay galabnimadii talaadada si uu u guro caws la siiyo lo’dooda.

Haraaga meydka wiilkaasi ayaa loo diray baaritaan si loo xaqiijiyo sababta uu u dhintay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here