Loolan Adag Oo Ka Dhex Bilaamay Hogaanka Sare Ee Xisbiga Wadani

0
374
Loolan Adag Oo Ka Dhex Bilaamay Hogaanka Sare Ee Xisbiga WadaniGudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan ayaa si wayn uga talo gelinaya Musdanbeedka Lataliyayaashiisa uu aadka ugu kalsoonyahay bal in ay jirto baahi wakhti xaadirkan loo qabo Gudoomiyenimada Xisbiga Waddani inuu iska wareejiyo weliba uu ku wareejiyo Mudane Xirsi Cali xaji Xassan oo isagu aaminsan in la joogo Xilligii uu Noqonlahaa Gadhwadeenka Xisbiga.

Xogtan waxaan ka helay Xubno muhiim ah oo Xisbiga Waddani ka tirsan sidoo kalena ah
Siyaasiyiin ka ag dhaw Hogaanka sareee Xisbiga mucaaradka ee Waddani Somaliland.

Qodobkan xaasaasiga ah ayaa dad badan oo taageera ama katirsan Xisbiga Waddani aamin sanyihiin in Xilka Gudoomiye nimo wakhtigan yahay mid lama taabtaan ah balse xogo hoose ayaa sheegaya inay Cirro iyo Xirsi dhawaan sigaara Wax iskaga waydiiyeen waxa laga yeelayo damaca Siyaasadeed ee laba dooda iyo mustaqbal Xilka Gudoomiyenimo ee Xisbiga

Talaabadani waxay bilaw u tahay, wada tashi Xisbiga Waddani ku qiimaynayo Mustaqbalka dhaw ee Hiigsiga himilada Xisbigooda,

Source :C/Sataar C/laahi Cali (SABRI)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here