Ma Dhabaa in Madaxweynihii Hore Ee Puntland Lagu Xidhay Dubai iyo isku Dayo Lagu Soo Furanayo Oo Socda

0
342
Warar naga soo gaaraya ilo wareedyo ku sugan magaalada Dubai ayaa tibaaxaya in Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas ay dawlada Imaraadku xabsiga dhigtay sababo la xiriira heshiiskii maamulkiisii uu la galay DP World.
Ilo wareedyadu waxa ay intaa ku dareen in Cabdiweli Gaas loo heysto qaadashada lacago shuruud looga dhigay meel marinta heshiisyadii uu la galay shirkada DP World,oo sidii la doonayay u meelmarin.
Waraku waxa kale oo ay sheegayaan in ay haatan socdaan dedaalo la doonayo in lagu soo damiinto Madaxweyne Gaas oo marna soo ahaa Raeysul Waasaraha Soomaaliya.
Deedaalada damaanadiisa waxa la sheegay in magaalada Dubai uu haatan u joogo Cumar Cabdirashiid oo isna mar ahaa Reysul Waaraha Soomaaliya.
Weli ma cada xaalada dhabta ah ee Cabdiweli Gaas haatan ku sugan yahay, Dawladaha Soomaaliya iyo Imaraadka Ayaan weli ka hadal arinkan.
Puntland iyo DP World ayaa heshiis 30 sanadood ay ku maamulayaan dekeda Bosaaso kala sexeeday 2017kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here