“Waa Inaynu Ka Dheeraana Hadalada Naxliga Ah Ee Caadifadu Ku Jirto”

0
438

Xildhibaan Cumar Nuur Waaye, oo ka mid ah Muddanayaasha Golaha Guurtida, ayaa ku baaqay in laga dheerado hadalada naxliga ah ee keenaya inay umaddu ku kala fogaato, waxaanu soo jeediyey in wax kasta oo jira laga wada tashado,oo aan lagu kala tagin.

Xildhibaan Cumar Nuur Waaye, oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa sidoo kale soo dhaweeyey qodobada lagu heshiiyey, waxaanu ugu horeyn yidhi “Maanta ma nihin dal curdin ah, ee wada tashi iyo isku tanaasul ayeynu heerkaas aynu taagan nahay maanta ku soo gaadhnay, heerkay la inooga baahan yahay inaynu joogno maanta waxay ahayd heer la ina aqoonsado, oo aynu ka shaqeeyno aqoonsiga aynu ka heli lahayn Caalamka, laakiin may ahayn inaynu joogno heer uu khilaafkeena siyaasiga ah soo noq-noqdo, waxaa inala gudboon inaynu ka tashano khiaafaadka dhexdeena, inagoo wada jir ah, oo gacmaha is haysana, wada tashi baa la inooga baahan yahay, laakiin inaynu ku kala tagno waxaynu ka tashano karno maaha, qaranimadeena inaynu mugdi galino maaha, ee heshiiskana waan soo dhaweeynayaa,cidii ka shaqeeysanayna waan uga mahadnaqayaa, waana ku bogaadinayaa, Doorashooyinka oo inoo dhacaana waa lagama maarmaan”.

Mar uu ka digaayey hadalada naxliga leh ayaa yidhi “Carab iyo labadiisa daan baa is qabta, maxaad u malaynaysaana bil’aadanka, waa la is diidi karaa, rayi baa lagu kala duwanaa kara, waa la is qabsan karaa, Nabiguna naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaate wuxuu ka digay fidno hurda in la kiciyo, haddii ay tahay Madaxweynaha, Madaxda Axsaabta Mucaarad iyo Muxaafidba leh, Golayaasha Qaranka, Madax-dhaqameedka, Ururada, Qaybaha lkala duwan ee Bulshada, waxaa la inooga baahan yahay inaynu wanaaga ka talino, waana inaynu ka dheerana hadalada naxliga ah, ee caadifadu ku jirto, umadduna ku kala fogaanayso”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here