Sadex Arimood Oo Ku Hawlan Yahay Maayirka Burco Waa Mid Ifaafalo Horumarineed Uleh Burco.

0
3464

 

1-Maayirka Burco Maxamed Muraad wuxuu geed dheer iyo mid gaabanba fuulistiisa ugu jiraa sidii Burco ulasoo laaban lahayd madaarkeedii oo muddo ku dhaw 12 Sano uxaniban, Muraad oo gacan ka helaya Bulshada Gobolka Togdheer wuxuu culays ku saarayaa Xukuumadda sidii ay ugu dhiiran lahayd dhismaha Madaarka Burco isagoo uqoondeeyey kabka ugu badan ee Dawladda Hoose kaga qayb qaadanayso.

2-Maayirka Burco wuxuu ku guda jiraa sidii ay Burco ulasoo laaban lahayd cashuurteedii Xoolaha Nool maadama ay Burco leedahay Sayladda ugu wayn Deegaanada Soomaalida, isaga oo aan wali ka laaban go’aankiisii ahaa in meesha laga saaro nidaamka midaynta cashuuraha oo dhigaya in Xoolaha Burco lagu cashuuro Berbera.

3-Maayirka Burco wuxuu wada qorshihii Burco ay ku heli lahayd Biriish sedexaad oo baahi wayn loo qabo, kaasoo ay Bulshadu ku tanaadayso in mar uun laga baxo dhibaatada kaga imanaysa Dooxa wayn ee Burco oo marar badan galaaftay nafo ibnu aadam.

Sadexdan qodob waa mid ahmiyad gaara uleh hanaanka horumarineed ee Bulshada Gobolka Togdheer, 28 sano kadib Burco dib udhac mooyee faa’iido kale may helin, waxay umuuqataa doorkan dedaalada in aan laysu habranayn.

X:-Maxamed Joker

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here