Suldaan Cabdillaahi Oo Faah-Faahin Ka Bixiyay Shirka Beelaha Habar-Jeclo Iyo Garxajis

0
356

Suldaanka guud ee Beesha Barriga Burco, Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse,ayaa ka hadlay Shirka labada Beelood ee Barriga iyo Galbeedka Burco, ee filayo inuu bishan badhtankeeda dhaco, waxaanu sheegay inuu ku rajo weyn yahay inuu Shirkani ku dhammaado wanaag, kana soo baxaan qodobo muhiim ah.

Suldaanka guud ee Beesha Habar Jeclo Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse, oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey Shirkan iyo sababta wakhtigan ku soo beegtay ayaa ku jawaabay “Sida aad maqasheen aniguna aan sheegay Shirkani wuu jira, waana Shir dhexmari doona labada Beelood ee walaalaha ah, waa Shir caadiya, oo labada Beelood danahooda ayey kaga hadlayaan, Shir khayr qaba, oo qodobo muhiimi ka soo baxaan, ayaan rajaynayaa ALLE idimkii inuu inoo dhaco, inuu Shirku inoogu bilawdo si khayr badan, inooguna dhammaado si khayr badan, ayeyna ALLE ka baryeynaa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here