Dhaxal-Sugaha Imaaraadka Carabta Mohammed Bin Zayed Oo La Sheegay Inuu Ku Dhacay Coronavirus

0
448

Dhaxal-sugaha dalka Imaaraadka Carabta Mohammed Bin Zayed ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhacay cudurka Coronavirus, sida uu qoray wargeyska Daily Sabah ee Turkiga, oo soo xiganaya warbaahinta Israa’iil.

Sida uu qoray Daily Sabah, warbaahinta N12 ee Israa’iil ayaa soo tweet gadheysay in Bin Zayed uu cudurka ka qaaday qof u dhashay dalka Philippine oo adeege ka ah madaxtooyadda Imaaraadka Carabta.

Lama yaqaan sida qofka shaqaalaha uu cudurka ku gaadhsiiyey Mohammed Bin Zayed, hase yeeshee maadama cudurka lagu kala qaadi karo xitaa haddii uu qofku taabto meel uu hore u taabtay qof qaba, waxaa suurta-gal ah in sidaas ku gaadhay Bin Zayed, haddiiba ay jirto.

Mohamed Bin Zayed ayaa la sheegay in la dhigay cisbitalka Cleveland ee Abu Dhabi, halkaasi oo uu ku jiray maalmo, ka hor inta aan laga saarin oo lagu celin madaxtooyada.

Imaaraadka Carabta kama hadlin warka Bin Zayed la xidhiidhinaya cudurka, wayna adag tahay in la xaqiijiyo.

Ilaa 2530 oo kiis oo cudurka Coronavirus ah ayaa lagu arkay dalalka Bariga Dhexe ee ka baxsan Iran, waxaana badankood lagu soo warramayaa inuu kaga soo faafay dhanka dalka Iran, oo ah dalka ugu darran ee cudurka uu ka jiro marka laga yimaado China.

Iran ayaa waxa uu cudurka ku haleeyey ku dhowaad 6 kun, halka ay u dhinteen in ka badan 100.

Halkan hoose ka akhriso warka uu qoray wargeyska Daily Sabah ee Turkiga

https://www.dailysabah.com/world/mid-east/uae-leader-zayed-infected-by-coronavirus-israeli-media-claims

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here