Kenya Oo Culays Weyn Saartay Masuuliyiin Dalkeeda Ka Tirsan Oo Kasoo Laabtay Muqdisho

0
339

Ugu yaraan sideed xubnood oo ka tirsan baarlamaanka Kenya oo kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa booliiska Kenya su’aalo adag ku waydiiyeen Madaar ku yaalla Magaalada Nairobi kuwaasi oo saacado badan Madaarka ku xayirnaa oo ay Booliska dalkaasi si adag culays u saareen

Xildhibaanadaan ayaa lagu haystaa inay howlo qarsoodiga ah ka wadeen gudaha Soomaaliya.

Warbaahinta Kenya ayaa qortay in xildhibaanada ka soo jeeda gobollada Wajeer iyo Mandheera ay u duuleen magaalada Muqdisho Sabtidii isla markaana ay dib ugu laabteen dalka Kenya saakay oo Axadda ahayd iyagoo la socday diyaarad xamuul ah.

Waxaa lagu kala magacaabaa xildhibaanadaan, Axmed Kolosh (kasoo jeeda Wajeer Galbeed), Ibraahim Cabdi (kasoo jeeda Lafey), Rashiid Kassim (kasoo jeeda Wajeer Bariga), Maxamed Hire (kasoo jeeda Lagdera), Cumar Maalim (kasoo jeeda Bariga Mandheera), Bashiir Cabdulaahi (kasoo jeeda Waqooyiga Mandheera), Aadan Xaaji (kasoo jeeda Galbeedka Mandheera) iyo Kullow Maalim ( kasoo jeeda Banisa).

Ilo wareedyo ayaa daaha ka qaaday in baarayaasha Kenya ay hayaan macluumaad sheegaya in sideed ka mid ahi ay aadeen dhanka Soomaaliya, halkaas oo sida la sheegay ay ku sugnaayeen Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya.

Siddeedda xildhibaan ayaa sidoo kale wax laga weydiin doonaa nooca safarka; haddii uu ahaa mid gaar ah ama uu yahay mid rasmi ah, taas oo markaa ay ahayd in la ogeysiiyo Afhayeenka Golaha Qaranka.

Dhowr gawaarida ay leeyihiin booliiska Dembiyada culus iyo booliiska la-dagaallanka argagixisada ayaa lagu arkay garoonka diyaaradaha Wilson halkaasoo sideeddoodaba su’aalo lagu weydiin doono.

Arrintaan ayaa kusoo aadaysa iyadoo uu haatan xunyahay xidhiidhka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya islamarkaana dhawaan dowladda federalka Soomaaliya ay Kenya ku eedeeysay inay faro galin ku hayso arimaheeda gudaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here