Talyaaniga Oo Gebi Ahaanba Bandow La Geliyay

0
397
  1. Dhammaan dadka ku nool Talyaaniga ayaa loo sheegay inay guryahooda ku nagaadaan xilli uu si ba’an u faafayo caabuqa Corona ee dadka badan ku laayay dalkaasi.

    Waqooyiga Talyaaniga ayaa bandowga markii hore lagu soo rogay, hase yeeshee maadaama ay sii badanayaan dadka u dhimanaya xanuunka ayaa ra’iisal wasaare Giuseppe Conte waxa uu sheegay in loo baahan yahay “tallaabooyin adag” si wax looga qabto faafidda cudurka.

    Dadweynaha ayaa laga mamnuucay inay isugu tagaan fagaarayaasha, halka goobaha waxbarashadana la xiray ilaa 3-da bisha dambe.

     

    Waxaa sidoo kale hakad la geliyay dhammaan ciyaaraha kala duwan ee dalkaasi.

    Keliya dadka aan ka fursan karin inay dibedda u soo baxaan ayaa loo oggol yahay inay socdaalaan.

    Mr Conte ayaa ku tilmaamay xanuunkan saf-marka ah mid “xilli mugdi ah” u horseeday dalkaasi, balse waxa uu tilmaamay inay ka guulaysan doonaan.

    Muxuu ka dhigan yahay bandowgan?

    • Socodka dadka ayaa la xakameeyay, waxaana loo oggol yahay oo keliya dadka aan ka fursan karin inay dibedda u baxaan.
    • Maqaayadaha iyo goobaha laga cunteeyo ayaa furnaan kara 08:00 ilaa 18:00, balse waxaa qasab ah in masaafo hal mitir dhan ay isu jiraan dadka macaamiisha ah.
    • Dukaamaha ayaa sido kale looga baahan yahay in macaamiishooda ay kala fog yihiin ugu yaraan hal mitir.
    • Shaneemooyinka, tiyaatarrada iyo madxafyada ayaa dhammaan lagu amray in la xiro.
    • Dhammaan ciyaaraha kala duwan sida kubadda cagta ayaa la hakiyay.
    • Iskuullada iyo jaamacadaha ayaa xirnaan doona ilaa 3-da April.
    • Dhammaan isu soo baxyada dadka ayaa la mamnuucay sida arooryada, aaska iyo weliba kulamada diinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here