Qofkii Labaad Oo Ka Dawoobay HIV

0
308

Nin kasoo jeeda London ayaa noqday qofkii labaad ee caalamka ku nool oo ka dawooday Caabuqa HIV, sida ay dhakhaatiirtu sheegeen.

Adam Castillejo ayaa wali xor ka ah Caabuqa kaddib markii daweynta ka joojiyay muddo 30 bilood ah ka hor.

Ninkan kuma uusan reysanin dawooyinka HIV-ga kaliya, balse wuxuu sidoo kale ku caafimaaday daweyn looga sameynayay unugyada jirkiisa, taas oo uu u qaadanayay xanuunka kansarka, kaasoo uu sidoo kale qabay, sida uu ku warramay wargeyska the Lancet HIV.

Dhaktaariirta kansarka ka daweyneysay ayaan fileynin in dawooyinkooda ay horseedi doonaan difaac ka hor taga HIV-ga.

Sanadkii 2011-kii, Timothy Brown, oo loo yaqaannay “Bukaankii Berlin” ayaa noqday qofkii ugu horreeyay abid ee lasoo tabiyay inuu ka bogsaday HIV.

Ninkaas ayaa muddo saddex sano iyo bar ah qaadanayay dawo la mid ah midda bukaanka labaad uu qaatay.

Maxay tahay daweyntan?

Dawada lagu taageero unugyada oo loo yaqaanno “stem-cell” ayaa u muuqata inay Caabuqa ka hor istaageysa inuu isku sii fidiyo gudaha jirka, iyadoo difaaca qofka bukaanka ah ku xoojinaysa unugyo kale oo ka hortagi kara HIV-ga.

Adam Castillejo – oo hadda 40 jir ah, loona yaqaanno “Bukaanka London” wuxuu go’aansaday in magaciisa la shaaciyo.

Ninkan ayaan dhiiggiisa lagu arkin HIV ay qalabka baaritaanka qaban karaan, sida ay dhakhaatiirtiisu sheegeen.

Waxaa laga joogaa hal sano markii lagu dhawaaqay inuu ka reystay caabuqa, ilaa haddana wuxuu ka yahay xor.

HIV cells

Barfasoor Ravindra Kumar Gupta, oo hoggaaminaya cilmi baarista lagu raadinayo dawada HIV-ga, kana socda Jaamacadda Cambridge, ayaa BBC-da u sheegay: “Arrintan waxay caddeyneysaa in sida ay u badan tahay hubaal loo helay dawada HIV-ga”.

“Waxaan baaritaankeenna ku ogaanay in habka daweynta ee loo yaqaanno “stem-cell” uu yahay mid looga reysan karo HIV-ga, markii ugu horreysayna waxaa sagaal sano ka hor lagu ogaaday bukaanka Berlin”.

Laakiin tani ma noqon doonto dawo loo isticmaalo malaayiinta qof ee qabta cudurka HIV-ga ee ku nool qeybaha kala duwan ee dunida.

Daawadan xoogga badan waxaa markii hore loogu talagalay in lagu daweeyo kansarka ay bukaannadaas qabeen.

Dawooyinka kaalmada ah ee hadda loo isticmaalo HIV-ga ayaa ah kuwo wax tar weyn leh, taasoo micnaheedu yahay in dadka la nool xanuunkan ay muddo dheer sii noolaan karaan iyagoo caafimaad buuxa dareemaya.

Sidey u shaqeysaa?

CCR5 waa dawada sida ugu badan loogu isticmaalo in jirka loogu faafiyo ka hor tagga cudur sidaha ee la yiraahdo HIV-1, waana mid caalamka oo dhan laga helo.

Laakiin dad dhif ah ayuusan jirkoodu la shaqeynin habka ay dawadaas u falgasho.

Waxaa dawadan markii ugu horreysay adeegsaday seynisyahan ku xiran dalka Shiinaha oo lagu magacaabo He Jiankui.

Ma tahay dawo kama dambeys ah?

Tijaabooyinka la sameeyay waxaa lagu sheegay in 99% unugyada difaaca jirka ee Mr Castillejo ay baddaleen kuwo kale oo lagu deeqay.

Laakiin wali wuxuu gudaha jirka ku leeyahay astaamo ka haray caabuqii ku jiray, isla sida bukaankii ka horreeyay ee lagu magacaabayay Mr Brown.

Sidaas awgeed lama dhihi karo waxaa la hubaa in uusan HIV dib ugu soo noqon karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here