Atariisho Caan Ah Oo Gacmaha Iska Gubtay Iyadoo Filim Jileysa

0
465

Atariishada caanka ah ee reer Hindiya ee lagu magacaabo Shweta Tiwari, oo dhawaan kasoo muuqatay musalsalka Mere Dad ki Dulhan, ayaa gacmaha ka gubatay iyadoo duubeysa mid ka mid ah xalaqooyinka filimkaas.

Atooraha la yiraahdo Fahmaan Khan iyo Shweta ayaa isku dayayay inay dib u sameeyaan qeyb ku jirtay filimkii “Jab We met”, balse shil lama filaan ah oo dhacay ayaa sababay inay atariishada si run run ah gacmaha uga gubato.

Fahmaan, oo filimkan ku matalaya magaca Randeep, ayaa soo jeediyay in qeybta jilliinka lagu daro “gabadha oo illowday waqtigii ay saaxiibkeed la ballansaneyd, saacaddiina la gaaray, sidaas darteedna ay matasho inuu ka gubto saariga iyo garbasaarka ay u xiratay ballanta).

.

Hase yeeshee jilayaasha ayaa aad ula dhacsanaa qeybta filimka ay dib ugu celinayeen, iyadoo sidaas uu shilku ku dhacay xilli aysan ku baraarugsaneyn.

Mar qura ayuu dabkii si lama filaan ah u qabsaday daaha, markaas kaddibna Shweta oo isku dayeysa inay holaca damiso ayaa halkaas gacmaha uga gubatay.

Markii duubista qeybtaas lasoo gaba gabeeyay, ayuu Fahmaan yiri; “Aad bay u xiiso badneyd inaan muuqaalka ballanta waqtigeeda la illoobay la jilo marwo Shweta . Xoogaa wuxuu noo lahaa walwal. Laakiin qeybta murugada ka ah waa inay si run ah gacmaha uga gubatay iyadoo isku dayeysa inay dabka damiso”.

.

Wargeyska Hindustan Times oo ka mid ah warbaahinta shaacisay sheekadan ayaa sheegay inuu la xiriiray Shweta, laakiin ay wax jawaab ah uga soo celin weysay su’aalihii ku saabsanaa dhacdadaas.

Filimka musalsalka ah ee Mere Dad Ki Dulhan ayaa telefishinka Sony ka baxa maalmaha Isniinta ilaa Jimcada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here