Xanuunka Corronavirus Oo Sabab U Noqday In Madaxweyne Farmaajo Uu Joojiyo Safaradii Tirada Badnaa

0
338

Xanuunka Corronevirus oo bilawgiisii ka dilaacay wadanka Chine ayaa haatan si baahsan ugu fidiya wadamo badan oo caalamka ka mid ah.

Xanuunkan oo aan ilaa hada dawo rasmi ah loo helin ayaa ku faafaya xawaare sare isaga oo mudo kooban iskaga gudbay wadamo ku yaala qaarado kala fog, waxaanu saamayn balaadhan ku yeeshay qaybaha kala duwan ee nolosha.

Meelaha uu sida weyn u saameeyey xanuunkani ayaa waxa ka mid ah socdaaladii ay dadweynaha iyo madaxda caalamku iskaga kala gooshayeen qaaradaha iyo wadamada kala fog.

Hadaba tan iyo wakhtigii uu xanuunkaasi soo shaac baxay ayuu madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo waxa uu ku negaaday xafiiskiisa Muqdisho isaga oo markii hore ka mid ahaa madaxweyneyaasha ugu safarka badan caalamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaan wax safar ah ku bixin mudadii uu caalamka sida weyn ugu faafay xanuunka Corronvirus isaga mar kaliya oo uu ka baxay Villa Soomaaliya socdaal gaaban kaga soo noqday dalka Itoobiya.

Dadweynaha soomaaliya ayaa baraha bulshada si weyn ugu qaadaa dhigay sababaha ugu waa weyn ee keenay in madaxweyne Farmaajo aanu mudooyinkii ugu dambeeyey wax safar ah kaga bixin dalka, kuwaas oo ku tilmaamay in xanuunka Covid 19 uu sababay balse aanu madaxweyne Farmaajo mudada intaas leeg aanu ku sugnaadeen dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sadex sanadood uu xilka hayey waxa uu sameeyey safaradii ugu tirada badnaa ee madaxweyne Soomaaliya soo maraa uu ku baxo, isaga oo mudadaasna iskaga gudbay wadamo badan oo ku yaala qaarado kala fog.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here