Ethiopian Airlines Oo Laba U Kala Saartay Go’aamadii Soomaaliya Iyo Somaliland Ee Xayiraadda Duulimaadyada Caalamiga Ah.

0
342

Shirkadaha Diyaaraha ee Ethiopian Airlines ayaa ka hadashay Go’aankii Xukuumadda Somaliland ka soo saartay duulimaadyadii ka iman jiray Dalalka Dibedda, kuwaasi oo badankooda la joojiyey muddo 28 Maalmood, sababo la xidhiidha Caabuqa Coronavirus.

Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa boggeeda Internet-ka ku baahisay in Somaliland ay Garoomadeeda diyaaradaha ka mabnuucday diyaaradaha Dalalka Kenya, Soomaaliya, China, Italy, Iran, France, Koonfur Kuuriya iyo Spain.

Diyaaradda Ethiopian Airlines oo aan dalkeedu ku jirin dalalka duulimaadyadii ka iman jiray laga mabnuucay Somaliland, ayaa waxay sheegtay in hawada Somaliland furan tahay isla-markaana Garoomadeedu diyaaraduhu sidii caadiga ahayd u shaqaynayaan “Hawada Somaliland way furan tahay, Garoomaduhu waxay u shaqaynayaan si buuxda..” ayaa lagu yidhi, Qoraalka ay soo saartay Ethiopian Airlines oo lagu baahiyay twitterka.

Ethiopian Airlines ayaa Warkan ay ku baahisay Boggeeda Internet-ka waxay laba u kala saartay Somaliland iyo Soomaaliya, waxayna si gaar gaar ah uga hadashay Go’aamadii dhinacyada duulimaadyada ee ay soo saareen Somaliland iyo Soomaaliya.

Ethiopian Airlines oo ka hadlaysay Go’aankii Dawladda Soomaaliya ku joojisay duulimaadyada ayaa qoraalkeeda ku tidhi “Dhammaan Garoomada diyaaradaha ee Soomaaliya waxa 19-ka bisha March, 2020 laga xidhayaa Duulimaadyadii Rakaabka iyo kuwii Kaargooga..”

Laakiin, Shirkaddu waxay sheegtay in Somaliland ay Garoomadeeda diyaaraduhu sidii Caadiga ahayd u shaqaynayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here