11 Qodob oo Cadeynaaya in wax Doorasho ah aysan dalka ka dhici karin 2020-ka.

0
479
Iyadoo heshiis doorasho Ay wada gaadheen AMA wadda saxeexen Sadexda Gudoomiye ee Xisbiyada Qaranka Somaliland : Waa Madaxweyne Muuse Biixi, Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro.  Ayaa hadana waxaa dhanka kale Jira. sababo badan oo muujinaaya kuna tusinaaya in doorashdaasi qabashadeedu ay mustaxiil tahay.
Marka hore Dhamaan hay,adihii iyo dadkii ay khusaysay heshiiskaasi la gaadhay ee doorashadda la doonaayo inay qabsoonto sanadkani 2020-ka, waxaa ka soo baxaaya ilaa  11-Sababood oo ku tusinaaya in sanadkani aanay doorasho ka dhici karin Somaliland.
1. Dhameystir La’aanta Sharciyaddii Heshiiskaasi Khuseeyey : Waa dhab in heshiiskaasi qabsoomidda doorashadda ay saxiixeen Madaxweyne Muuse Iyo Labadda Gudoomiye ee Xisbiyadda Mucaaradka laakiin waxuu yahay ilaa iminka mid qalfoof ah.
2. Heshiiskaasi Waxaa ka dhashay markiiba Dooddo aad u badan, Iyadoo dadka Somaliland ee sharci-yaqaanaddu ay Qaar ka mid ahi . kuba tilmaameen heshiiskaasi mid baal-marsan Xeerarka iyo shuruucda Somaliland ee Arimaha Doorashooyinka khuseeya.
3. Ilaa Iminka ma jirto wax war ah oo ka soo baxay gudidii doorashooyinka ee sharciga ahayd. oo iyada heshiiskaasi sheegaayo in awoodoodii. si cad oo  sharci daro ah loogu wareejiyey guddi lagu sheegay kuwo farsamo  Waa gudidii ay xilka sida sharciga waafaqsan kala wareegeen. Waa komishankii doorashada ee hore iyo Sadex qof oo Beesha caalamka k socda oo lagu soo biirinaayo. sida heshiisku dhigaayey.
4. Sidoo kale sabab kasta ha noqotee, Waxaa kaloo diiddan heshiiskani Golaha Wakiiladda oo doonaaya inay meesha iskaba fadhiyaan ilaa weligood. sida qaar ka middi cadeeyeen, arrintan oo iyaduna caqabad kale sii ah.
5. Waxaa jirra iyaduna hawlo badan oo ku xidhan sharciyadda doorashada Sida:  Ansixin La’aanta labaddii xubnood ee Komishanka sharcigiisa ka dhiman oo ilaa iminka ayna waddani iyadu soo gudbin. halka xisbiga Ucid,-na ay xubintii hore dib u soo MAGACOWDAY laakiin uu dib Madaxweynuhu ugu celiyey.
6. Waxaa iyaduna jirta sharciyadaha Komishinadda oo iyaduna aan la ansixin wax-ka bedelka dhinaca sharciga komishinadda dusha iska saar-saaran oo aan sharciyada dalka waafaqsanayn taasi oo haddii doodeedda oo keliya la galo waqti badan qaadanaysa.
7. waxaa kaloo jira. Ka Heshiin La’aanta Nooca Saami qabsiga doorashadda lagu galaayo ee Golaha Barlamaanka ama Doorashada 2020: Xataa haddii laga heshiiyo waxii khilaaf iyo sharci la xidhiidha ee heshiiska doorashada, weli waxaa dhiman go.aamo siyaadadeed.Fadhiyo waqtiyo iyo heshiis gaar ah u baahan nooca doorashada golaha Wakiiladda ama tiradda Golaha wakiilada goboladda. Taasi oo labo midkood la qaadan-doono diiwaaan gelin la,aan iyo Inay mudan tahay in la sameeyo diiwaangelin codbixiye AMA tirakoob Dadweyne.
8. Qorshaha Sugidda xuduudaha dalka waa qodob kale oo dhiman : oo iyadana Weli lagama hadal hawlahaasi ku saabsan habka Lojistikada iyo sida wax loo qabanaayo AMA Goobaha la tegi karo, qaabka lagu tegi karo, waxa la qaban karo iyo weliba waqtiga lagu sameyn-karo dhamaan.
9.  ka-dib Heshiiskaasi ilaa iminka hal talaabo Lama qaadin mana muuqato fulinta qodobaddii heshiiskaasi iyo Is-Afgarad doorasho dhow, taasi waa sabab kale oo dib u dhigeysa doorashada 2020-ka.
10. waxaa iyaduna jira xaalada degdega iyo xanuunka Corona virus oo isaguna caalamka wada saameeyey. Somaliland ka mid tahay wadamada aan qalabka u haysan laakiin ka hortageedda ku hawlan.
11. Waxaa iyaduna jirta Shaki Laga Qabo Madaxweynaha Somaliland oo muddo xileedkiisii ku eegyahay ilaa 2022-ka. waxaanay dad badan oo siyaasiyiin ahi qabaanba in Madaxweyne Biixi aanu awoodinba qabashadda wax doorasho la yidhaahdo iyo in aaney agtiisaba kaba jirin wax rabitaan doorasho ah iyo qodob ku saabsan Fulin lagu dari karo.
Sababahaasi ka sokow, waxaa jira iyagana hawlo kale oo la’aantood aanay doorasho macquul aheyn oo weli dhimman, lana guda-galin .waxaa ka mid ah: qorshihii iyo waqtigii  ololaha doorashadda  AMA Caalamadaha Musharsxiinta iyo  Hab-raaca howl-galka doorashooyinka, magacaabista Murashaxiinta xisbiyada,  isu diyaarinta iyo dhaqangelinta hawlahaasi oo ku wadda saabsan qabsoomidda  doorashooyinka sida waafaqsan sharciga doorashada Somaliland.
Ugu dambeyntii:  sababahaasi darteed way adag tahay in sanadkani 2020-ka ay doorashaddii Golayaasha Wakiiladda iyo Degaanka Ay ka dhacaan Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here