Booqashadii Maxaabiista Ku Xidhan Xabsiyada Somaliland Oo La Joojiyay

0
338

Booqashadii Maxaabiista Ku Xidhan Xabsiyada Somaliland Oo La Joojiyay

Dawladda Somaliland ayaa caddeysay in saddex bilood raashinkoodi iyo cuntadoodi ay u diyaarisay maxaabiista jeelasha kala duwan ee dalka ku xidhan.

Sidoo kale waxaa ay dawladu sheegtay in madaxweynaha Somaliland wado qorshe lagu kala yareynayo, laguna sii deynayo maxaabiista ku xidhan Jeelasha dalka, kaas oo la xidhiidha cabsida laga qabo xannuunka Corona-vires.

Waxaa sidan Tv-ga Horn Cable u sheegay wasiirka wasaaradda cadaaaladda mudane Mustafe Maxamuud Cali isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Jeelashu waa ay ka nugul yihiin dadka kale, waayo waa bulsho badan oo meel kuwada xidhan, hadii uu hal qof ku dhaco waxaa ay ka dhigan tahay in uu maxaabiistii oo dhan kuwada dhacay.

Arrintaasi qorshe weyn ayaanu u sameynay, wacyigelin fara badan ayaanu maxaabiista u sameynay, waxaa aanu u geynay qalabkii falaxalka, nadaafadda, xannuunka wacyigelintiisi, inay kala durkaan, waxaa kale oo aanu mabnuucney in gudaha loo gallo maxaabiista, oo cidkasta oo ehela oo soo booqaneysa iyo askarta dibaduba maxaabiista gudaha uma geli karraan, si ay uga nabad-galaan wixii kaga imanlahaa dibadda”

Sidoo kale wasiir Mustafe waxaa uu ka hadlay qorshaha uga meel yaala ka xukuumadd ahaan maxaabiista Jeelasha dalka ku xidhan siideyntooda iyo kala fududeyntooda waxaanu yidhi “Qorshe weyn ayaanu wadna oo madaxweynuhu nagu hogaamianyo INSHA ALLAH, oo hadiiba uu cudurkaasi dalka yimaado aanu ku kala dhimeyno maxaabiista, oo madaxweynuhu hormood ka yahay, oo dib loo eego wixii aan danbiyo culus ku jirin, waxaa kale oo aanu yareynay wixii saldhigyadda ka imanaya ee maxaabiisa, waxaa kale oo aanu bilownay in saddex bilood jeelkasta oo dalka ka mida la sii dhigey, iyo qalabkiisi nadaafadda, wacyigelintiina aanu u sameynay, kala fududeyntoodii iyo sii deyntoodiina madaxweynuhu waa uu ku mashquulsan yahay, dhawaana aanu ka soo saari doono go’aan wanaagsan oo dalka iyo dadkaba anfaca”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here