Muxuu Yahay Cudurka Hantavirus Ee Ka Dilaacay Dalka China ?

0
386

Nin ka soo jeeda gobolka Yunnan ee Shiinaha ayaa laga helay cudurka Hantavirus isniintii toddobaadkan, waxaanay keentay argagax ka dhex jira muwaadiniinta adduunka oo wali la dhibaatoonaya cudurka coronavirus ee ka yimid dalka China.

 

Telefishinka Shiinaha ee Global Times ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in ninkaan isagoo ku sii jeeday Gobolka Shandong uu raacay bas Isniintii.

 

32-ka qof oo baska saarnaa ayaa iyagana laga baadhay fayraska.

Sida lagasoo xigtay Xarunta Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurrada ee dalka China (CDC), hantaviruse waa qoys kamid ah Viruska oo ku faafa badanaaba xawayaanka jiirka, isagoo uga gudbi kara  dadka.

 

Cudurku ma aha mid lagu kala qaado hawo-qaadasho sida cudurka Coronavirus, balse waxaana laga qaadi karaa oo kaliya taabashada kaadida, saxarada, iyo candhuufta dadka qaba feyraska.

 

Calaamadaha hore ee cudurkaan waxaa ka mid ah daal, xumad iyo murqo xanuun, oo ay weheliso madax xanuun, dawakhaad, dhaxan iyo dhibaatooyin caloosha ah.

 

Haddii aan la daaweyn, waxay horseedi kartaa qufac iyo neefsashada oo yaraat. Waxayna noqon kartaa mid ugu dambyntii keenta geeri iyadoo heerka dhimashada uu yahay 38 boqolkiiba, sida laga soo xigtay CDC.

 

Waxaa cudurkaan sidoo kale astaamihii kamid ah, cadaadis dhiig oo hooseeya, naxdin daran, murqu xanuun, iyo kelyaha oo shaqadiisa xumaato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here