Xayiraaddi Magaalada Wuhan Oo Qayba Ka Mid Ah La Qaaday

0
412

Magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha uu ka soo bilaawday cudurka Coronavirus ayaa muddo laba bilood kaddib maanta qayb ahaan dib loo furay.

Sawirro muujinaya rakaab tira badan oo alaabo wata oo maanta ka soo degaya tareennada ayaa si weyn warbaahinta dalkaasi uga socdo.

Waxayna wararku sheegayaan in shacabka loo oggolaaday iney soo galaan balse waxaan loo oggoleyn bixitaan.

Magaalada Wuhan oo ah caasimadda gobolka Hubei waxaa laga helay in ka badan 50,000 oo kiis. Waxaana cudurka magaaladsaasi ugu dhintay dad ka badan 3,000 oo qof.

Hase yeeshee, tirada dadka cusub ee cudurka qaadaya iyo kuwa u dhimanaya ayaa marba marka ka dambeysay hoos u soo dhaceysay.

Wararka maanta ka soo baxaya magaalada Wuhan waxaa kale oo ay sheegayaan maanta oo Sabti ah oo keli ah in laga helay 54 kiis oo cusub oo dhammaantood lagu sheegay iney yihiin dad dibadaha ka soo galay dalka Shiinaha.

Magaalada Wuhan tani iyo bartamaha JAnuary waxaa saarneyd xayiraad guud

Dowladda Shiinahana si ay u xakameyso cudurka dalka dibadda ka soo galaya waxay ku dhawaaqday iney mamnuucday in la joojiyey dhammaan dadka ajaanibta ee dalkaasi soo galaya xataa haddii ay haystaan Fiisa iyo Degganaasho intaba.

Waxay Beijing sida oo kale xaddidday duullimaadyada shirkadaha diyaaradaha dibadaha laga leeyahay ay ku imanayaan dalka Shiinaha iyada oo shirkad weliba u ogoolaatay usbuuci iney hal mar ay duullimaad ku imaaddo, waxaana shirkadaha lagu waajibiyey rakaab aan ka badneen 757 iney soo qaadaan.

Wakaaladda wararka Reuters waxay sheegtay in gaadiiddka magaalada la fasaxay Gelinki dambe ee Jimcaha, Tareenkana la fasaxay maanta oo Sabti ah.

Warbaahinta dowladduna waxay sheegeen iney tareennada la fasaxay ay gaarayaan 17 ka mid ah goobaha tareenka laga raaco.

Balse cid kasta oo soo galeyso magaalada Wuhan waxaa qasab ku ah in caafimaadkiisa la baaro si loo ogaado inuu caafimaad qabo iyo inkale.

Mas’uuliyiinta dalka Shiinahana waxay sheegeen xayiraadda la saaray dadka magaalada Wuhan ka safrayo la qaadi doono 8-dda bisha April, xilligaasi oo la filayo in dullimaadyada dalka gudihiisa ay dib u billaawdaan.

Rakaab xaruun tareen oo ku taallo magaalada Wuhan saf ugu jirta

Wararka kale ee caalamka ugu dambeeyey ee ku saabsan Coronavirus:

Ilaa iyo hadda Faayrsaka Corona ayaa si xawli ah ugu faafaya caalamka oo idil.

  • Ku dhawaad 600,000 oo qof ayuu cudurka ku haleelay dunida iyada oo ay cudurka u dhinteen dad ka badan 28,000 sida lagu xusay xogta ay baahisay jaamacadda John Hopkins.
  • Tirada dadka cudurka u dhimanaya oo ku sii badanaya dalka Spain ayaa gaaray 5,000 oo qof iyada oo 24-kii saac ee la soo dhaafay oo keli ah ay Spain cudurka ugu dhinteen 832 qof taasoo dalkaasi ka dhigeyso dalka seddexaad ee ugu dhimashada badan ee ku xiga Talyaaniga.
  • Dalka Mareykanka ayaa noqday dalka laga helay dadki ugu badnaa ee qaba cudurka Coronavirus oo gaaray 104,000.
  • Koonfurta Kuuriyana waxay marki ugu horreysay shaacisay tiradi ugu badneed ee dadka ka bogsaday cudurkaasi ay gaartay 4,811, halka Sabtida maantana laga helay 146 kiis oo cusub oo tirada guud ee dadka cudurka laga helay ka dhigeyso 9,478.
  • Ruushka iyo Ireland ayaa waxay ka mid noqdeen dalalka qaaday tallaabbooyin hor leh oo ay ku xakameeynayaan faafitaanka cudurka iyada oo faafitaanka cudurka dalalkaasi uu aad ugu yar ahay.
  • Dalka Britain waxaa baaritaan lagu sameeynayaa shaqaalaha NHS ee England.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here