Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Oo U Geeriyooday Qarixii Garowe

0
451

Waxaa goor dhaweyd magaalada Garowe ku geeriyooday gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), kadib dhaawac xooggan oo ka soo gaaray qarax sida la sheegay uu fuliyay qof ismiidaamiyay oo caawa fiidkii ka dhaca magaalada Garowe.

Geerida marxuumka ayaa waxaa BBC-da u xaqiijiyay duqa magaalada Garowe Axmed Siciid Muuse (Axmed-Bare).

Waxaa sidoo kale qaraxaasi ku dhaawacmay laba qof oo uu kamid yahay taliyihii hore ee booliska qeybta gobolka Nugaal, Faarax Gallangooli, kuwaas oo ay dhaawacyadoodu sahlan yihiin, sida uu sheegay weriye Axmed Cawil oo ku booqday isbitaalka.

Qaraxa ayaa waxaa sheegtay xarakada Al-Shabab sida ay tebiyeen warbaahinta taabacsan ururkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka uusan wax ilaalo ah ku dhex wadan jirin magaalada Garowe. Qaraxa ayaa lagula beegsaday meel u dhaw taliska booliska Puntland, gaar ahaan agga loo yaqaan barxadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here