Wasiir Isku Dilay Walaaca Coronavirus Awgiis

0
413

Wasiir Isku Dilay Walaaca Coronavirus Awgiis

Wasiirka maaliyadda gobolka Hesse ee dalka Jarmalka Thomas Schaefer, ayaa iskiis isku dilay kadib markii uu walaac ka muujiyay sida loola tacaali karo burburka dhaqaale ee ka dhashay cudurka halista ah coronavirus.

Raysal wasaaraha ismaamulka gobolka Hesse ,Volker Bouffier ayaa xaqiijiyay geerida Thomas Schaefer

Schaefer, oo 54 jir ah, ayaa meydkiisa laga helay meel u dhow wadada tareenka Sabtidii. Xafiiska xeer ilaalinta ee Wiesbaden ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in isagu uu isdilay.

Ismaamulka gobolka Hesse wuxuu hoy u yahay caasimadda dhaqaalaha ee Jarmalka Frankfurt, halkaas oo deyn bixiyeyaasha waaweyn sida Deutsche Bank iyo Commerzbank ay xaruntooda ku leeyihiin. Bangiga Dhexe ee Yurub ayaa sidoo kale ku yaalla Frankfurt.

Bouffier ayaa xusay in Schaefer, oo ahaa madaxa maaliyadda Hesse 10 sanno, uu shaqeynayay maalin iyo habeen, si uu uga caawiyo shirkadaha iyo shaqaalaha inay wax ka qabtaan saameynta dhaqaale ee cudurka Coronavirus.

“Waa sax waqtigaan adag inaan u baahanahay qof isaga oo kale ah,” ayuu yidhi Volker Bouffier, oo ka walaacsanaa geerida wasiirkiisa maaliyadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here