Baadari Loo Haysto Inkiridda In Covid-19 Uu Ka Jiro Afrika

0
433

Dowladda Uganda ayaa ku eedaysay baadari dalkeeda u dhashay inuu dadka taabacsan u sheegay in cudurka safmarka ah ee Covid-19 uusan ka jirin qaaradda Afrika.

Dacwad oogayaasha ayaa Augustine Yiga ku eedeeyay inuu Jimcihii ka sheegay kaniisadda Revival Christian in cudurkaasi dilaaga ah uusan qaaradda ka jirin, hadalkaasi oo laga baahiyay telefishinnada maxalliga ah.

Baadari Augustine Yiga ayaa beeniyay eedeynta loo jeediyay.

“Sheegashada ah in Covid-19 uusan ka jirin Afrika gaar ahaan Uganda ayaa waxa ay caqabad ku tahay dedaalka dowladda ay kula tacaalayso cudurkaasi safmarka ah, waxaana ay khatar gelinaysaa noolashada shacabka,” ayuu yiri afhayeenka booliska Uganda, Patrick Onyango oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

Haddii lagu helo dacwadan loo haysto, baadariga ayaa mutaysan kara illaa todoba sano oo xabsi ah.

 

Uganda ayaa diiwaangelisay 33 kiis oo ah dadka qaba fayraska Corona.

Xayiraad cusub

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa shaaciyay tallaabooyin horleh oo looga hortagayo faafidda cudurka kuwaas oo socon doona muddo laba todobaad ah.

Waxa uu mamnuucay gawaarida khaaska ah ee ay shacabku wataan, dadka ay la soo derisaan xaaladaha degdega ahna waxa looga baahan yahay in ay fasax ka qaataan mas’uuliyiinta ugu sarreysa deegaankooda kahor inta aanay ka bixin guryahooda.

Museveni ayaa ballanqaaday inuu gargaar cunno ah siin doono dadka shaqooyinkoodii ku waayay tallaabooyinka ay dowladda soo rogtay.

Balse waxa uu ka digay in siyaasiyiinta ay arinkaasi ka faa’iideystaan oo ay cunno u qeybiyaan dadka baahan, isagoo ku dooday in isu-soo baxa dadkaasi uu khatar gelinayo noolashooda.

Siyaasiyiinta mucaaradka ee kala ah Bobi Wine iyo Kizza Besigye ayaa maalmahan waday kaalmo ay u qeybinayeen dadka nugul ee Uganda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here