Madaxweyne Biixi Oo Si Rasmi Ah U Saxeexay Dhaqan-Gelinta Wax Ka Bedelka Iyo Kaabista Xeerka Isgaadhsiinta Somaliland

0
445

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu saxeexay wax ka bedelka iyo kaabista ay goleyaasha Baarlamaanku ku sameeyeen xeerka isgaadhsiinta ee dalka.

Ma jiro war rasmi ah oo ay madaxtooyadu ku xaqiijisay in Madaxweyne Biixi saxeexay xeerkan, laakiin warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi uu dhawaan saxeexay wax ka bedelka iyo kaabista lagu sameeyay xeerkaas, waxaanu saxeexa Madaxweynaha ka dib xeerku noqonayaa mid dhaqan gal ah.

Goleyaasha guurtida iyo wakiilada ayaa horaantii bishan March waxay cod aqblabiyad ah ku meelmariyeen in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo xeerka isgaadhsiinta golaha wakiilada, waxaanu isbedelkani meesha ka saarayaa heshiis ay xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo la gashay shirkadda SOM Cable oo ay golaha wakiiladuna ansixiyeen.

Wax ka bedelkan uu Madaxweyne Biixi imika saxeexay ayaa wuxuu meesha ka saarayaa xeerkii hore ee xeer Lr. 50/2011.”

Madaxweyne Siilaanyoy ayaa bishii Jullay ee sannadkii 2011 wuxuu isaguna digreeto ku dhaqan geliyay xeerka Isgaadhsiinta dalka oo ay markaas ansixiyeen labada golel Baarlamaan.

Si kastaba ha ahaate, sagaal sannadood ka dib 2011-2020 waxa meesha ka baxay heshiiskii dhex maray xukuumadii hore iyo shirkadda SOM Cable.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here