Dadka uu soo ritay cudurka Coronavirus dunida oo idil oo kor u sii dhaafay Hal Milyan oo ruux

0
266

Dhawaqa digniinta ee duqeymaha cirka, hoonka maraakiibta, kan gawaarida iyo midka tareennada ayaa laga yeeriyay guud ahaan waddanka Shiinaha, taas oo lagu xasuusanayay dadkii u dhintay cudurka coronavirus.

Dalkaasi muddo saddex daqiiqadod ah waxaa gebi ahaanba la joojiyay dhaqdhaqaaqii taas oo lagu xusayay dadkii ay waxyeellada ka soo gaartay cudurkaasi.

 

Guud ahaan marka la eego dunida oo idil dadka uu soo ritay curkan waxaa ay hadda kor u sii dhaafayaan Hal Milyan oo Ruux.

Tirada dhimashada ee Yurub ayaa gaartay ilaa 40,000, halka Maraykanka gudaheeda tirada dhimashadu ay gaartay in kabadan 7,000, taas oo tirada dhimashada adduunka oo dhan ka dhigaysa in ka badan 58,000, sida lagu sheegay xogta ay soo aruurisay jaamacadda Johns Hopkins.

Tirada kiisaska ayaa sidoo kale sii kordheysa, iyadoo Mareykanka uu soo sheegay in ka badan 275,000 infekshin, halka Talyaaniga, Spain iyo Jarmalka ay isku darsadeen in ka badan 300,000 oo kiis.

Adduunka oo dhan, tirada kiisaska ayaa ku dhow 1.1 milyan, iyadoo tirada soo-kabashada ay ku dhowdahay 226,000

Xigasho/Hiiran Online

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here