Maxamed Baashow Midnimo Danbe Maanka Waan Ka Jaray.

0
383
Hadalka aan ku ibo furtee Rabbi waxaynu waydiisanaynaa oo gacmaha hoos haysanaa inuu bulsho weynta aduunka daafaheeda ku dhaqan ka dulqaado xanuunkan aafada ah Carona Virus (Covid19) ka soomaali ahaana aanu beladiisa ina soo gaadhsiinin.
Anigoo ixtiraam iyo qadarin badan u haya Aqoonyahan/Mujaahid/Qoraa Maxamed Baashe X Xasan oo Dalka Somaliland tabac badan geliyey haday tahay waqtigii halganka iyo aas aaskii iyo hanaqaadkii Dawladnimada Somaliland, anigoo ogsoon inuu ka mid yahay foolaadka Bulshadani leedahay aragtidiisana uu u madax banaan yahay. Hadana waxaan jeclaystay inaan kelmad ka idhaahdo ololihiisa midnimo raadis.
Inaadeerkay Maxamed Baashe waxaan leeyahay bulshada reer Somaliland Midnimo danbe maanka way ka jareen ilamana qumana inaynu markale midnimo Koonfur iyo woqooyi dib uga unkanta inagu woqooyi ahaan bilowno ama dhaqdhaqaajino inagoo ogsoon aragtida ilaa 1960kii Koonfur taalay inaanay marnaba ka suuroobin dariiq midnimo doon ahi.
Iyadoo aan aaminsanahay inaynaan 30kaas sano ee aynu jirnay aynaan sidii ugu wanaagsanayd wax u qabsan isla markaana wax badan oo aas aasiyaad iyo horumar aynu samayn karaynay aynaan helin hogaan ka biyo keena, maantase halka aynu joognaa maaha meel aynu ka calaacalo oo isku ciil kaambino inaynaan qayb ka noqonin Soomaali kale oo wax qabsatay oo heer sare gaadhay.
Iyadoo aynu yagleelanay nidaam dawladnimo oo cago adag ku taagan oo maalin walba dogobyo la sii saaro oo inuu hore u socdo mooyaane aan habeen dib u noqonin aynu saluugnoba inuu gaabis yahay oo sidaynu badideenu rabnay yaanu u faran fardaynine.
IMaxamedow Koonfurta aad midnimadeeda raacdaynayso ee aad u bu’aysaa ma inaynu isla haliganaa baad doonaysaa oo qaska, qaraxyada iyo qulqulada ciidamada afrikaanka ee wallaaladeen koonfur caqabada iyo colaada joogtada ah ku haya aynu la wadaagno oo inaguna qaybteena ka qaadanaa baa???.
Maxamedow iyadoo Goosashada Somaliland ay ku timi Cadaalad xumo iyo wax wada lahaanshihii koonfur iyo woqooyi oo meesha ka baxay isla markaana awoodii dawladnimada loo adeegsaday in lagu wax yeeleeyo shacabkii, isla markaana maalin qudha aanay masuuliyiinta koonfuri muujinin hilowgooda midnimo doon iyo dhabaha loo marayo, taas lidkeedana ay kaga jawaabaan Inay caqabad joogto ah ku noqdaan in horumar woqooyi laga sameeyo, oo heshiisyada maalgelineed iyo deeqaha caalamiga ahba ay habeen iyo maalin ku hawlan yihiin hagardaamaynteeda.
Inagoo ka war hayna sida dhamaan rukunadii iyo tiirarkii Dawladnimo ee la wada lahaa kuna midaysnaayeen Koonfur iyo Woqooyi ay meesha uga baxeen oo koonfuri keligood u bedesheen Sida:
1. Magicii dalku lahaa ee Somali democratic Republic oo ay u bedesheen magacoodii hore boodhkana ka jafteen #Somalia
2. Nidaamkii dawlada oo laga dhigay nidaamka Federaalka ah
3. Baasaboorkii oo la bedelay
4. Dastuurkii dalka oo la bedelay
Qodobadan oo ah kuwa dawladnimadaba isu haya oo wallaaladeen iyagoon cidna wax ka waydiinin iska farsamaysteen.
Maxamedow Maanta ma taagna maalin aynu Midnimo danbe u boholyowno ee waxa muhiimad inoo leh inaynu dalkeena iyo bulshadeena Somaliland u midowno sidii aynu horumar, cadaalad, iyo hanaan isla xisaabtan oo hufan iyo dawlad wanaag ah ugu hagi lahayn taas oo ay aas aas u tahay nidaam Dimuqraadiyadeed oo banyaal ahi.
Wallaaladeenii aynu midowgooda hore ugu hungownayna waxa aynu talo ugu laqimaynaa inay tooda hagaajistaan, nabadeeyaan oo niyada u sii daayaan kana waantoobaan ku mashquulida Somaliland maadaama shawo intaas ka badani qabyo u tahay Rabbina waxaynu u waydiinaynaa inuu u islaaxiyo una barwaaqeeyo.
Hadalkayga waxaan ku soo ururinayaa, Mujaahid Midnimo dambe Waa ma dhacdo. Maantana Hawl ka weyn baa dalka iyo dadkaba u taala oo daqiiqad aynaan meel kale kaga mashquuli karin Xanuunkaas dunidii dhibka iyo waxyeelada baahsanka gaadhsiiyey sidii umadeena aynu uga ssmoto bixin lahayn ayaa masuuliyadeedii inoo taalaa oo ku celcelinta midnimadaasi maanta macno kale ayay abuureysaa.
Saleebaan Cabdisitaar Dubad (Samataliye)
Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here