Raysal Wasaaraha UK Oo Xaalad Khatar Ah Ku Jira

0
368

Raysal wasaaraha UK Boris Johnson ayaa waxaa la dhigay qeybta xaalada deg deg ah ee cisbitaal ku yaalla magaalada London.

Mr Johnson oo la tacalayay caabuqa Corona ayaa xaaladiisa caafimaad la soo tabinayaa in ay ka sii dartay saacadihii la soo dhaafay.

Hoggaamiyaha UK ayaa tijaabo caafimaad lagu sameeyay 10 maalmood ka hor laga helay cudurka Corona.

Mr Johnson ayaa ayaa wakhtigaasi sheegay in uu wanaagsan yahay howshiisana ku qaban doono gurigiisa

Boqorada UK Queen Elizabeth ayaa u mahad celisay shaqaalaha caafimaadka, waxaana ay sheegtay in ay ka guuleysan doonaan caabuqa Corona.

Cudurkaan ayaa intii uu ka dilaacay dalka UK waxaa ku dhintay 4,934 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here