Boqorkii Cuudka Axmed Ismaaciil Xudeydi Oo London Ugu Geeriyooday Coronavirus

0
406

Alle ha u naxariistee, waxaa Magaalada London ku geeriyooday, fannaan, laxamiiste, abwaan Axmed Ismaaciil Xuseen ‘Xudaydi, oo loo yaqaannay Boqorkii Cuudka, maadaama uu ku xeel-dheera tumiddiisa.

Sida ay uu xaqiijisay Ayaan Maxamuud oo ah asaasaha ururka Kayd, oo soo qabanqaabiya Toddobaadka Dhaqanka Soomaalida ee London ka qabsooma sannad walba ayaan waa saaxiib ay aad isugu dhawaayeen Xudaydi, sidoo kale dhawr jeer ayuu kala qayb qaatay barnaamijkaasi.

Maalmihii u danbeeyey Xudaydi waxa uu ku xanuusanayey dhakhtar ku yaalla London, isaga oo uu hayey feyraska Corona, ee dunida aadka u saameeyey. Xudaydi waxa uu dhashay, 1928-kii, waxaana uu jirey 92 sano, isagoo ku dhawaad qarnigaa ahaa ahaa tiir aan liicin oo uu leeyahay fanka Soomaalidu, iyada oo lagu yaqaannay tumidda muuusigga, gaar ahaan cuudka.

Waxa uu ku dhashay magaalada Berbera, waxaana uu dhallinyaronimadiisii ku soo qaatay Cadan, ka hor intii aanu soo noqon Waxa lagu tilmaamaa inuu ka mid ahaa aasaasayaasha fanka casriga ee Soomaalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here