“Buur-madaw & Salaadiinta Kale, Waxaan Leeyahay Dalkan Ma Xukuntaan”

0
426
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), ayaa sheegay inuu dalku leeyahay nidaam, Madaxweyne iyo Goleyaal la doortay, waxaanu Madax-dhaqameedka Somaliland ugu baaqay in aanay u hanqal taagin meel aan dalka ahayn, kana bixin xayn-daabka Somaliland.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waxaynu nahay dal jira muddo ku dhaw 30 sanno, waxaynu leenahay Goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada, Goleyaasha Deegaanka iyo waliba Madaxweyne la doortay, dalkana loogama baahna cid u hanqal taagta Soomaaliya, iyo cid ka baxda xay-ndaabka Somalilandnimada, Boqor Buur-madaw iyo Salaadiinta kala ee dalkana waxaan leeyahay dalkan ma xukuntaan, ee beelo ayaad xukuntaan, ee xukunkaas beelihiina ee dhaqanka ku salaysan ha soo dhaafina, Boqor Buurmadawna waxaan leeyahay ma haboona inaad mar kasta hadalo caadifadaysan ku hadashid, ee wanaaga iyo khayrka ka tali”

Dhinaca kale, wuxuu guud ahaan Shacabka Somaliland ku booriyey uguna baaqay inay aad isku ilaaliyaan, kana dheeradan wax kasta oo uu ku fidi karo xanuunka Adduunka aadka ugu fiday ee keenay inay dad badani u dhintaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here