Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ayaa sheegay in aanay Somaliland xilligan u baahnayn inay Wada-hadal la yeelato Dawladda Soomaaliya.

0
482

Dirawal oo Shir-jaraa’id ku qabtay Gurigiisa Hargeysa Shalay, ayaa sheegay inuu la yaaban yahay in Xilligan Somaliland ay Wada-hadallo la gasho Soomaaliya, maaddaama buu yidhi Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya oo lala hadli lahaa aanay Maamulladoodiiba aanay Gacanta ku haynin, Raysal-wasaaraha Itoobiya oo hawlahaa ku jiraana qorshihiisu yahay inuu isku daro dalalka Geeska, halka Somaliland-na ay Madax-bannaani raadinayso.

Mr. Dirawal oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee maalin walba aad mooddo in la isku hayo. Horta Salaadiinta (Hadlay) Dad badan baa la yaabay, laakiin anigu lamaan yaabin, Dawladdu hadday dadkeeda aamini waydo oo ay wax u sheegi waydo, ilayn Xaalado Cakiran baa jira muddooyinkan dambe oo dhane, hadday Dadka waxba la socod-siin waydo Salaadiinta iska daaye Dad badan oo kale ayaa hadli, kuwa Suuqa joogaa hadli, markaa waxa loo baahan yahay in Dawladdu ay Dadkeeda wax la socodsiiso, weliba Xaaladdan oo keliya maahee Cudurrana way jiraan, in mar kasta la isla socodsiiyo ayaa muhiim ah.”

Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) waxa uu si qoto-dheer uga hadlay arrinka Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu sheegay inuu u arko in aanay Maanta Wada-hadal u oolin Somaliland “Anigu fikir ahaan waxaan la yaabanahay Arrinka wada-hadallada Somaliland oo aan Anigu u arko in aanay Somaliland Maanta u oolin taasi, markaa eego xaaladaha innagu cakiran iyo Siyaasadaha innagu wareegsan, ama Itoobiya siyaasaddan ay waddo ha ahaato, ma qabo in Farmaajo iyo Khayre oo aan Maamul-gobolleedyadoodiiba aan gacanta ku hayn inay odhanayaan Somaliland sii daaya, markaa in wakhti la isaga khasaariyo maaha, ninka reer Somaliland ee Maanta taa ka sugayaana ma jiro.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Wada-hadallada uu Abyi Axmed hoggaaminayo, Abyi Axmed, siyaasaddiisa muu qarin ee Geeska oo dhan buu isku darayaa, Ninka markaa wakhti iiskaga khasaarinayaa, waar Dalkani waxaas uma baahna, Waar Dalkani wuu Sac-sacan yahay ee wuxuu u baahan yahay in isbeddel la sameeyo oo la dhaqaajiyo oo la isku tashado, oo Sharcigii la baa’biiyey ee lagu fasaxay Wada-hadallada Xamar lagu celiyo Baarlamaanka oo la joojiyo, in midnimada Somaliland laga shaqeeyo.”

Siyaasigu wuxuu sheegay in inta reer Somaliland isku haystaan Wada-hadallada Somaliland ay Maamulo kale ku shaqaysanayaan Gobollo Somaliland ka mid ah “Habeen walba waxaynu dhegaysanaa Buuhoodle iyo Bariga Sanaag oo Maamullo kale ku shaqaysanayaan, inaguna waxaynu isku dilaynaa Xamar baanu la hadlaynaa, anigaa la hadlaya iyo Anigaa la hadlaya, waa Nasiib-darro waxani, waxana Dawladdaa ka masuul ah ee Dawladdu Dadka ha jihayso oo Siyaasad cad yeelato oo aad Dadkaaga aaminto oo kolba wixii jira aad la socodsiiso, markaasaa Dadku wada socon karaa, taa Maanta dhacday mid ka daran baa dhici haddii ay sidaasi ku sii socoto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu Talooyin u soo jeediyey Madaxweynaha “Markaa Anigu waxaan ku talinayaa, Madaxweyne Muuse Biixi Masuuliyadda koowaad adigaa leh wax kasta oo Waddanka ka dhaca, Cirro loo qabsan maayo, Faysal-na loo qabsan maayo, yaa fadhiyey ayuun baa la odhanayaa, markaa waxa loo baahan yahay inuu waxan iska oodo, Xamartan iyo…Imika ma Abyi Axmed baa wax inoo sheegaya, Abiyi Axmed wuu inoo sheegay oo wuu isku darayaa, markaa maxaynu wakhti isaga khasaarinaynaa, inaynu shaqaysano, Ilaahay Bogcad Muhiim ah oo qiimo leh ayuu inna dejiyey oo wax walba ku jiraan, Caalamka uma baahnin ee iyagaa inoo baahan”

Cabdillaahi-dirawal wuxuu sheegay in Soomaaliya waddo dagaal Maskaxeed oo ka dhan ah Somaliland “Waynu ognahay, Xamar dagaal badan baa inagaga socda, mid siyaasadeed, mid dhaqaale, mid Maskaxeed, dhallinyaradeenii baa ururro loo furtay, oo Miisaaniyado loo samaystay oo Midnimo lagu beerayaa, Maantana waynu ognahay, Ninka 40 jirka ahi ma oga wixii Waddankan loo soo maray sheeko mooyaane, inaguna wacyi-gelin umayno samaynin oo barnaamijyo umayno samaynin, meesha waxaas oo dagaal ahi kaaga socdo inaad ku habsaato Anigu ma qabo, marmarka qaarkood waxaaban idhaahdaa waa lagu ciyaarayaa Dadka iyo Dalka.” Ayuu yidhi.

Siyaasigu wuxuu Xukuumadda u soo jeediyey inay ilaaliso dimuqraadiyadda “Waxaynu iibin jirnay dimuqraadiyad yar, dimuqraadiyaddiina way baaba’day, taa lafteeda Masuuliyadda Dawladdaa leh ilayn iyadaa ka masuul ah in doorashada la qabtee..” ayuu yidhi, waxaanu ugu dambayn ka hadlay Cudurka Coronavirus “Cudurkan Ilaahay baa keenay, Ilaahay baana kaa bedbaadin kara, markaa waxaan kula talinayaa Ummadda reer Somaliland inay Ilaahay baryadiisa badiyaan, Digrigana badiyaan. Guddiga la Magacaabay in Talooyinkooda la raacana waa muhiim ah, taana waxa ka sii muhiimsan in Dadka reer Somaliland ee dibedda ka imanayaa in aanay Dadkooda u iman oo ay iska joogaan oo aanay u soo horseedin balaayo..”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here