Magaalada New York Oo Tiraddii Ugu Badnayd Caalamka Uu Soo Ritay Covid-19

0
287

Gobolka New York ayaa noqday gobol ka sara mara dhanka tirada dadka uu soo ritay Corona dalalka kale guud ahaan caalamka marka Mareykanka laga reebo, sida ku cad warbixin la soo saaray.

Tirada uu magaalada New York soo ritay cudurka Covid-19 ayaa Khamiistii gaartay 159,937, taasi oo ka sara martay dalka Spain oo dadka uu cudurka so ritay ay dhan yihiin (153,000 qof) halka Taliyaaniga ay tiradda gaartay (143,000).

Shiinaha oo ah goobtii uu cudurka ka s bilaabmay ayaa tiradu ahayd 82,000 oo kiis taasi oo micnaheedu tahay in magaalad New York ay ak sara martay dhammaan dalalka klae ee Mareykanka ka baxsan.

Guud ahaan dalka Mareykanka dadka uu cudura soo ritay ayaa tiradoodu gaartay 462,000, halka ay dhimashadu mareyso ku dhawaad 16,500.

Guud ahaan caalamka tirada uu cudurka soo ritay ayaa imika gaartay 1.6 milyan oo qof, halka tirada dhimashada caalamka ay mareyso 95,000.

Iyada oo magaalada New ay hogaaminayso caalamka tirada dadka uu soo ritay cudurka Corona, dhimashaduna ay taha 7,000 ayaa dhanka dhimashada waxay ka hooseysaa dalka Spain oo ay dhimashadu

mareyso 15,500, halka Taliyaaniga ay cuduka ugu dhinteen 18,000.

Dhanka kale maamulka magaalada New York ayaa waxay bilaabeen inay xabaal wadareedyo ku aasan dadkii u dhintay xanuunka corona, xilli tirada dhimashada ay wali sare u sii kacayso.

 

Meydad lagu aasayo xabaal wadareedyo

Meydadka ayaa lagu aasayaa jasiiradda Hart iyada oo aysan eheladooda ka qeyb galin.

Jasiiradan Hart ayaa lagu aasi jiray dadka ku dhinta magaalada New York ee aan la aqoon eheladooda.

Muuqaalo ay soo duubtay diyaarad ah nooca aan duuliyaha lahayn ayaa muujinaya meydadkaasi oo lagu aasayo xabaal wadareedyo.

Dhanka kale wasiirada dhaqaalaha ee dalalka Yurub ayaa waxay ku heshIiyeen dhaqaala dhan 400 oo bilyan oo Yuuro oo loogu talagalay samatabixinta dalalka Yurub ee sida ba’an uu ugu dhuftay cudurka safmarka ee Corona.

Gudoomiyaha kooxda eurogroup, Mario Centeno, ayaa sheegay in qorshahan uu muhim u yahay xaqiijinta dib u soo kabashada dhaqaalaha si loo difaaco suuqa Yurub.

Lacago deen ah ayaa dalalka Yurub la siin doonaa si ay taasi gacan uga geysato bixinta dhaqaalaha adeega caafimaada iyo si loo caawiyo shirkadaha iyo dadka aan shaqeyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here