Somaliland Oo Shaacisay Inay Soo Iibsatay Qalabkii Lagu Baadhayay Covid-19.

0
510

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa ayaa sheegay in qalabkan ay dawlada Imaaratka Carabtu ugu deeqday Somaliland, islamarkaana uu dalka soo gaadhay shalay.

Waxaa kale oo uu agaasimuhu caddeeyay in baadhitaan lagu sameeyay kun laba boqol shan iyo lixdan qof oo dalka soo galay aan lagu arag calaamadaha xannuunkani, halka ay karantiin ku jiraan 65 qof, isaga oo balan qaaday in ay bulshada la wadaagi doonaan wixii xoga ee soo korodha.

Dr Xergeeye waxaa kale oo uu xusay in ay sugayaan qalab caafimaad iyo mishiinka xannuunka lagu baadho oo ay hay’adda caafimaadka aduunku ugu deeqday Somaliland “Waxaan ugu buushaareynayaa bulshaweynta Somaliland in uu u yimid PCR-kii ayaa mishiinkii lagu baadhayey shaybaadhkii ugu horeeyay oo aynu ka helney maanta dalwada Imaaratka, aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa Dowlada Imaaratka Carabta taageeradda ay siisay Somaliland, ee ah inuu PCR-kii yimid.

Waxaa kale oo inoo imanaya qalab caaafimaad inoo imanaya oo aynu ka sugeyno hay’adda WHO galabta, oo isna PCR ah, iyagana hay’adda WHO waxaa aanu uga mahad celineynaa taageerada ay u fidiso shacabka Somaliland iyo dowlada Somaliland labadaba”
Dhanka kale Dr. Xergeeye waxaa uu tilmaamay in aanay ilaa hada aanay jirin kiisas cusub oo wasaaraddoodu diwaangelisay, islamarkaana ay xaaladoodu fiican tahay labadii qof ee dhawaan laga helay xanuunka Covid-19 “Waxaa aan idiin cadeynayaa in kiisaska la xaqiijiyey ee aynu hada heyna ay yihiin laba xaaladood oo kaliya, labadii xaaladoodna ay caafimaad qabaan, waxaanan idiin sheegay in wixii cisbitaala ee loo baahna hadiiba timaado in qof cisbitaal u baahdo ay diyaar ka yihiin caasimaada iyo gobolada dalka oo dhan, shaqaalahuna waa ay tababaran yihiin hadii ay dhacdo in kiisas cusub oo caafimaad u baahan la helo, dadka xuduudaha ka soo gudbay ay yihiin kun iyo laba boqol iyo shan iyo lixdan lagumana arag wax kiisa oo leh calaamadihi ama xumadii loo baahnaa, dadka karantiinka inoogu jiraana waa 64 qof waayo waxaanu aanu sii deynay 42-kii qof ee ugu horeeyay, oo aanu ka sii deynay Huteelka Royal, iyaga oo dhammaantood ay ahaayeen dad caafimaad qaba”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here