0
813

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Faarax oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa ka hadlay Xaaladda dalku marayo iyo hadallo xubno ka mid ah Madaxda dhaqanku ay Maalmihii u dambeeyay Warbaahinta marinayeen, kuwaasi oo dalbanayey in laga qayb-geliyo Wada-hadallada Soomaaliya.

Suldaan Cumar oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay Farriimo u kala diray Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo uu ku canaantay inaan ficilkiisa iyo Qawlkiisu is lahayn iyo Madax-dhaqameedka oo uu xusay in qaarkood ka tallaabeen Xuduudkii Somaliland.

Suldaanka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “In badan baan ka aamusnaa Somaliland-tii is haysatay iyo Siyaasiyiintii isku khilaafsanaa siyaasaddaba, waxa i soo kiciyey ee aan ka hadlayaa waxa weeyaan Masiirkii Ummadda ayaa la taataabtay, taasaa igu keliftay inaan hadalkan u soo ban-baxo.”

Suldaanku wuxuu sheegay “Somaliland sideedaba waxay ku caano maashay dhaqan, dhaqan bay halkaa ku soo gaadhay, dhaqan baa dhismaheeda lahaa, Dadka imika ku fadhiya Kuraasta leexaysanaysa waxa u fududeeyay inay Kuraastaa ku fadhiistaan dhaqan (Madaxda Dhaqanka), dhaqankaasi wax badana wuu soo qabtay, haddii Allaah yidhaahdana wax badan oo kalena wuu qaban doonaa. Laakiin, waxa wax aad loogu murugoodo ah in odayaasha qaarkood ay galeen Xuduud aan loo baahnayn, xuduudkaa aan loo baahnayn waxa weeyaan, ilaalinta Somaliland baanu isku ogayn ee iskumaanu ogayn inay Xuduudka Somaliland ka tallaabaan.”

Suldaanku wuxuu ka warramay siday ku bilaabmeen Wada-hadallada ay Madax-dhaqameedku doonayaan inay ka qayb-galaan “Wada-hadallada (Soomaaliya) oo xidhan ayuu Madaxweynihii hore bilaabay in barnaamijkaa la furo, waxa laga bilaabay Salaadiinta, markii la isugu keenayna barnaamijkaas ayaa loo soo bandhigay oo ah in Wada-hadallada Soomaaliya la bilaabo, keligay baa ka fikrad duwanaa Maalintaa, Anigu Maalintaa waxaan taagnaa Odayaasha dhaqanku ha tagaan, laakiin Odayaasha dhaqanka iyo Qoladii Maamulka ka socotayna way qayliyeen oo waxay yidhaahdeen Arrinkaasi suurto-geli maayo ee naga aamus, markaa waan garan waayay waxay Maanta u dalbanayaan inay Xamar Wada-hadalkeeda galaan, ilayn Maalintaas ayay siidaayeene. Waxaan u arkaa in Barnaamij kale ku dhex jiro.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Dhaqanku Sharaf iyo mudnaan buu lahaa, Qiimihii iyo Karaamadii waxa luminaya nin Madax-dhaqameed sheeganaya oo Hadal iska yidhi, Odayaasha waxaan u soo jeedinayaa Gef baad ku samayseen Dadkiinii, Dalkiinii iyo Mushtamaciinii, Taladaan u soo jeedinayaa waxa weeyaan Cudur-daar sameeya oo Dadkiina Raalli-gelin siiya.”

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Faarax wuxuu sheegay in Siyaasiyiinta qaarkood aanay Daacad ka ahayn Somaliland-nimada “Nimankii Qaramada Midoobay u shaqayn jiray ee Soomaaliya qaabilsanaa ee Madaxda ahaa, waxay ka tageen hadal ay leeyihiin Somaliland Shacabka ku nool iyo siyaasigoodu jiho uma wada socdaan, hadalkoodaasi waa xaqiiq, taas waxa daliil u ah Nin kasta oo Siyaasi sheegta oo Madax ka noqda Dalka, in badan oo Marka Xilka laga qaado Xamar iska tagtaa jirta, taasi waxay ku tusaysaa in hadalkii Nimankaa Ajaanibka ahi sheegayeen inay xaqiiq tahay, Cidda keliya ee Somaliland Burburkeeda iyo Baa’biinteeda looga shakisan yahayna ay tahay Siyaasiyiinta.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Siyaasiyiintu waa kuwan duraya Odayaasha (Madax-dhaqameedka) eel eh maxay siyaasadda u soo gelayaan, malaha waxay iloobeen berigii dhawayd markay is eryanayeen ee ay Kuraasta doonayeen, Odayaasha ay isticmaalayeen waxay ahaayeen Salaadiinta ee ay lahaayeen Kaalay reer Hebel la soo shir, markay hawshii dhamaatayna may odhanin dhaqankiinii iskaga noqdo’e, markaa Madax-dhaqameedka waxa Siyaasadda geliyey siyaasiyiinta, markaa Odayaasha waxa seegtay inay sheegaan inay siyaasiyiinta ka shakiyeen.”

Suldaanku wuxuu farriin u diray Madaxweyne Biixi “Dalka waxa ugu sarreeya Madaxweynaha, Muuse Biixi baa ugu sarreeya oo Madaxweyne ka ah dalka, hadalladiisa iyo Ficilkiisu isma laha, markuu Bulshada la hadlayo wuxuu leeyahay Madal loo dhan yahay oo Adduunku wada fadhiyo ayaanu ku gar-naqsanaynaa, haddana Maqsin madow buu la gelayaa Nimankii (Reer Soomaaliya), laba Arrimood oo is leh Maaha, ta Dadka shaki gelinaysaana waa taa, dhuumasho dhabarku muuqdana looma baahna, Dadkana waxa shaki gelinaya labadaa dhacdo ee is-barbar yaalla, Madaxweynaha waxaan leeyahay labada Arrin kala reeb, ama meesha Madow ku adkayso ama ballankaa aad dadka u qaadayso ku adkayso, weliba waxaan anigu door-bidayaa inaad ku adkaysato ballankaa aad Dadka u qaadayso.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay inaan xilligan loo baahnayn Wada-hadal “Anigu waxaan qabaa inaan xilligan loo baahnayn Wada-hadal, Waayo? Dadka la diyaariyey inay Somaliland la hadlaan maaha Dad u qalma in la hor fadhiisto, Dr. Baadiye iyo kii Guul-wade in la hor-fadhiistaa waa Mabnuuc oo Qadiyadda Somaliland lagala hadlaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here