Gobol Nigeria Ka Tirsan Oo Lagu Arkay ‘Sare U Kaca Tiro Dhimasho Oo Aan Horey Loo Arag’

0
329

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa walaac ka muujiyay kiisaska sare u kacay ee ku saabsan dhimashada aan horey loo arag ee kusoo badatay gobolka waqooyiga ku yaalla ee Kano.

Buhari wuxuu sheegay in koox uu u diray gobolka si ay usoo baaraan dhacdooyinka la xiriira dhimashada, wuxuu amar ku bixiyay in muddo labo toddobaad ah xayiraad lagu soo rogo gobolka Kano.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli dadka qabuuraha qodo ee ku sugan gobolka ay sheegeen in sare ay u kaceen tirada dadka la aasaayo maalin kasta oo noqotay arrin aan horey loo arag.

Saraakiisha waxay sheegeen in dhimashada aysan la xiriirin cudurka coronavirus ee ka dilaacay halkaas balse ay u muuqato in dadkaas ay u geeriyoodeen cudurro kale sida dhig kar, cudurka macaanka iyo Malaariyada.

Kano ayaa noqday goobta uu sida weyn uga dilaacay feyraska corona gudaha Nigeria, waxaana la xiray xarumaha gaarka loo leeyahay oo inta badan kala bar shacabka gobolkaas ay ku tiirsanaayeen.

“Ma ahaan arrin lala xiriirin karo safmarka coronavirus, waxay muuqan kartaa dhibaato ka dhalatay markii ka xiray isbitaalada gaarka loo leeyahay, sababta oo ah waxaa jiray bukaano badan oo qabay xannuunada sida dhiig karka, macaanka, neefta, kansarka oo aan helin adeegyada caafimaadka, xayiraadda qof kasta ayay saameyneysaa” ayuu yiri Nagoma Sadiq oo ah dhakhtar ka howgal isbitaalka Aminu ee ku yaalla gobolka Kano ee dalka Nigeria.

Baaritaanada cudurka coronavirus waxaa gobolkan laga bilaabay labo toddobaad ka hor balse waa la hakiyay kaddib markii uu wasakhoobay sheybaarkii uu ka socday baaritaanka.

Saraakiisha waxay sheegeen inay ku rajo weyn yihiin in sheybaar dhawaan la howlgalinayo kaddib markii la buufiyay isla markaana toddobaadka dambe la hirgeli doono xarun kale oo baaritaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here