Gabadhii U Doonnayd Khashoggi Oo Ku Baaqday In Sacuudiga Laga Horistaago La Wareegidda Newcastle

0
456

Gabadhii u doonneyd saxafigii la dilay Jamal Khashoggi ayaa ugu baaqday ugu baaqday horyaalka Ingiriiska ee Premier League in ay horistaagaan in Sacuudiga ay la wareegaan kooxda Newcastle United.

Khashoggi, oo dhaliili jiray boqortooyada Sacuudiga, ayaa lagu dilay 2018 gudaha qunsuliyada ay sacuudiga ku leeyihiin Istanbul .

Sirdoonka dalalka reer galbeedka ayaa waxay rumaysan yihiin in dhaxal-suge Maxamed Binu Salmaan uu amray dilka wariyahaasi, balse waa uu beeniyay Binu Salmaan.

Hay’adda maalgalinta Sacuudiga ee uu hogaamiyo daxal-sugaha ayaa la filayay in 80% naadigaasi ay la wareegaan.

Balse qareenno matalayay Hatice Cengiz, oo ah gabadhii u doonaneyd Khashoggi , ayaa waxay dalbadeen in laga horistaago in Sacuudiga ay la wareegaan kooxda Newcastle United iyada oo la eegayo dilka saxafigaasi.

Maxaan ka ognahay la wareegidda Newcastle ee Sacuudiga?

Mike Ashley ayaa ahaa milkiilaha Newcastle tan iyo 2007 islamarkana waxa uu 2017 shaaciyay in uu doonayo in kooxda uu iska iibiyo.

La wareegidda la soo jeediyay ee Sacuudiga uu kooxda la wareegayo ayaa lagu qiimeeyay lacag dhan £300 milyan.

Balse arrintan ayaa mar horaba sababtay muran ka dhashay.

Sacuudiga ayaa waxaa ay hay’adaha xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen in aysan wax ka qaban xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka.

Waxaa sidoo kale Sacuudiga lagu eedeeyay inay sababta ay u doonayaan iibsiga kooxdan ay tahay inay doonayaan sare u qaadida sumcadooda iyaga oo maalgalinaya kooxaha waawayn ee dhanka kubadda cagta.

Balse dhammaan eedeymahani waxaa beenisay xukuumadda boqortooyada Sacuudiga oo sheegtay inay doonayso in qaar badan oo dadkeeda ka mid ah ay ku lug yeeshaan ciyaaraha.

Maxay sheegtay Ms Cengiz?

Qareeno ka socda Ms Cengiz oo ah gabadhii u dooneyd Khashoggi ayaa warqad ay u qoreen horyaalka Premier League waxay-na ka dalbadeen in Sacuudiga laga horistaago in ay la wareegaan Newcastle.

Waa in uusan boos ku yeelaan kubadda cagta Ingiriiska qof “qof ku lug lahaa ficiladaasi arxandarada ah “, ayaa lagu sheegay qoraalka lo gudbiyay horyaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here