Ciidamada Qaranka Oo Hub Kula Wareegay Olole Ay Ku Xasilinayaan Deegamadii Dhawaan Beeluhu Ku Dagaalamen Iyo Mudaharaadyo Ka Dhacay Tuulooyinka Qaar

0
363

Kadib markii ciidamada Qaranka Somaliland hawlgallo culus oo hub ururin ah ka bilaabeen deegaamo ka mid ah Gobolka Sanaag ee muddoba shaqaaqadu ku dhex maraysay labada beelood ee walaalaha ah, waxa deegaamadaasi qaar ka mid ah shalay ka dhacay mudaharaadyo kooban oo dadka qaar kaga soo horjeedo tallaabada ay xukuumaddu qaadday ee la xidhiidha in dadka hubaysan ee deegaamadaasi lagu arko hubka lagala wareego oo hubka laga ururiyo.

Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Sanaag waxa ay sheegayaan in Mudaharaadyo ka dhaceen deegaammada huluul, kalbooc, Ceellahelay, Bohol Iyo Siiga-Dheer, Laasadabare, iyada oo ay ciidamada qaranku deegaamadaasi ku qabqabteen hub ay ka mid yihiin 16 qori iyo laba qabaal oo Tikniko ah halkaasina kula wareegaan.

Kooxo u badan dhallinyaro iyo dad da’ dhexe ah ayaa taayiro ku gubay, isla markaana jidadka maray deegaamada qaar iyaga oo ku dhawaaqaya ereyo ay kaga soo hor jeeddaan tallaabooyinka ay ciidamada qaranku deegaamadaasi ka qaadeen ee nabad islaaxinta iyo hub ka ururinta ah.

Sida dad waxgarad ah oo deegaanka Huluul ka tirsan warbaahinta u xaqiijiyeen, waxa saacadihii la soo dhaafay ciidamada qaranka Somaliland ay hawlgallo ka fuliyeen deegaamo dhawr ah oo ay ka mid yihiin huluul, kalbooc, Ceellahelay, Bohol Iyo Siiga-Dheer, Laasadabare, kuwaasi oo ay xataa guryaha ku baadheen halkaana ka soo gureen hub iyo saanad kaleba kadib markii ay masuuliyiinta dawladda ee deegaamadaasi iclaamiyeen in cid kasta oo hub sidata oo deegaamadan shaqaaqadu ka dhacdo lagu arko hubka lagala wareegi doono taasi oo keentay in ciidamadu hub badan goobo kala duwan ka soo ururiyaan.

Tuulooyin ku yaalla Galbeedka Gobolka Sanaag ayay wararka na soo gaadhayaa sheegayaan in ay ciidamada qaranku tallaabooyin ka qaadeen oo ay ku soo qabqabteen hub fudud oo dad maleeshiyaad ahi haysteen halka ay sidoo kale guryo baadheen taasi oo keentay in kooxo isa soo abaabulay ay mudaharaad arrintan ka dhan ah ka sameeyaan tuulooyin deegaanka ka tirsan iyaga oo ka cabanaya arrintaasi.

Dhinaca kale waxa Gobolka Sanaag ku sugan wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo halkaasi u tagay xaaladda nabad kusoo dabbaalista kadib shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Tuulada Fadhigaab ee ay mar kale isku fara saareen labada beelood ee walaalaha ah ee muddoba colaaddu halkaasi ku dhex maraysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here