Xog:Xaguu Ku Danbeeyey Mashruuca SHINE +Doorkii Haayada HPA Ee Caafimaadka Gobolka Togdheer Oo La waayey.

0
723

Haayada Health Poverty Action Ee Magaceeda loo soo gaabiyo HPA oo ah haayada gacanta ku haysa mashruuca shine ee loogu talagalay horumarinta caafimaadka gobolka togdheer oo socday mudo sanad ah ayaa waxa ka soo baxaya tabasho la xidhiidha musuq-maasuq iyo wax isdaba marin ku saabsan habka haayada HPA u maamusho mashruucaasi ,waxaana jira shaqaale tiro badan oo ay mushaharkooda bixiso haayadaasi kuwaasi oo aan mudo bilo ah helin musharakii ay xaqa u lahayeen.

Geesta kale HPA oo ah haayad la filayey inay wax ka tari doonto baahiyaha caafimaad ee gobolka togdheer ilaa hadda ma jirto waxqabad la taaban karo oo haayadaasi ka muujisay gobolka ,waxaana guud ahaan hayadaasi ka tashaday la shaqaynteeda gaadiidlayda la shaqeeya haayadaha oo sheegay inay siin weyday lacagihii ay ugu shaqeeyeen isla markaasina waxay go”aansadeen inay joojiyaan waxada shaqaynta haayada HPA.

HPA waxay noqotay goob lagu musuq-maasuqo shaqaalaha iyo danyarta ka adeega goobaha caafimaadka kuwaasi oo aan helin xaqoodi.

Hadaba haayada hpa oo la filayey inay door ka qaadato xaalada caafimaad ee soo korodhay ee xanunka carona virus ayaa guud ahaanba faraha ka laabatay wacyigelinta iyo abaabulka kor u qaadida baahiyaha caafimaad ee soo kordhay waxaana ay hpa guud ahaan fara madhan la taagan tahay goobaha caafimaad ee gobolka togdheer.

Haayada ayaa qaadatay mashruuca dib u tayeynta caafimaadka ee gobolka togdheer balse ilaa manta oo laga joogo mudo sanad ah waxa weli la tabeyaa mashruucaasi loogu talagalay in wax loogu qabto bulshada la tabaalaysan baahiyaha caafimaad ee dul hoganaya.

La soco qaybaha danbe: xogo dheeraad ah iyo soo bandhigida Masuq-maasuqa oo cadaymo rasmi ah wata .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here