‘Wuxuu i dhahay tani waa fikraddii ugu xumeyd ee aan waligey maqlo’

0
481

Barnaamijka isbuuclaha ah ee ay BBC-da ku soo qaadato taariikhda ganacsatada waxaa lagula kulmaa dadka hormuudka u ah ganacsiyada hirgalay. Toddobaadkan waxaa marki ku ahayd Abigail Forsyth, oo aasaastay, agaasimena ka ah shirkad soo saarta koobabka qaxwada lagu cabo oo dib loo isticmaali karo.

Shirkaddeeda ganacsi waxaa lagu magacaabaa KeepCup.

Markii ugu horreysay ee ay Abigail Forsyth la timid fikradda ku saabsan ganacsigeeda iibinta koobabka qaxwada ee dib loo isticmaali karo, waxaa ku gacan seyray mid ka mid ah dadkii wax naqshadeynayay ee ay ula tagtay.

“Wuxuu igu yiri fikraddaada waa tii ugu doqonimo badneyd ee aan abid maqlo,” ayey tiri Abigail oo dib u xasuusaneysa maalintaas.

Xaaladdu way kasii dartay markii ay u tagtay maamulaha warshad ay damacsaneyd inay koobabka u sameeyaan. “Wuxuu igu yiri waxa aad ka hadleysid waa koob uun. Dadku waxay ka fikiraan waxyaabo waaweyn, wax qiimo fiican leh ayey dalbadaan in loo warsgadeeyo, wayna kaa fikrad fiican yihiin. Xitaa waxaa jira dad aan u warshadeynay alaab ka fiican taada, wayna u gadmi weysay.”

An assortment of KeepCups

Marka ay howshan billaabeysay waxay ahayd sanadkii 2008-dii, waxayna ku sugneyd magaalada Melbourne ee waddanka Australia.

Abigail iyo walaalkeed Jamie waxay la imaadeen fikradda ganacsiga KeepCup , sababtoo ah waxay ka walaacsanaayeen balaayiinta koob ee aan dib loo isticmaali karin, ee sanad walba qashinka lagu tuuro marka qaxwada lagu cabo hal mar oo kaliya.

Markii horeba way ogaayeen sida ay xaaladda u xuntahay, waayo waxay 10 sano oo xilligaas ka horreysay ku ganacsan jireen meherad qaxwada lagu iibiyo.

Sidaas darteedna waxaa ka go’neyd inay isku dayaan sidii ay arrintaas wax uga qaban lahaayeen.

Halkii ay ka caroon lahaayeen koobabka qashinka noqonaya iyo saameynta ay horay u arkeen, waxay dareemeen in la joogo waqtigii ay go’aan ku gaari lahaayeen inay soo afjaraan xaaladdaas, sida ay sheegtay Abigail. Waxaa ka go’neyd inay ganacsigooda heer fiican gaarsiiyaan.

“Si dhab ah ayaan fadhiga uga kacnay”, ayey tiri haweeneydan oo hadda 48 jir ah.

Maanta, shirkaddooda KeepCup waxay caalamka ka iibisay 10 milyan oo koob. Waxay shirkaddooda qiyaaseysaa in koobabka ay iibiyeen lagu badbaadiyay siddeed bilyan oo koob oo qashinka lagu dari lahaa.

Single-use coffee cups in a bin

Abigail oo ku dhalatay magaalada Glasgow, balse ku kortay Melbourne, waxay markii hore baratay cilmiga sharciga. Afar sano markii ay xirfaddeeda ku shaqeyneysay, laga soo billaabo 1994-kii, way iska dhaaftay waxayna furatay meherad lagu iibiyo qaxwada.

Markii ay iyada iyo walaalkeed muddo wadeen howsha ayuu Jamie ku qalqaaliyay fikrad cusub, wuxuuna u bidhaamiyay inay guuleysan araan.

“Jamie mar walba wuxuu dhihi jiray tani waa fikrad fiican oo heer sare gaari karta, anigana waxaan ka fikirayay sida ay suurtagal ku noqon karto, dadkana looga dhaadhicin karo,” ayey tiri.

Koobabkii ugu horreeyay markii loo warshadeeyay sanadkii 2009-kii, waxay billabeen inay ku iibiyaan meherad ay ka sameeyeen isla magaalada Melbourne.

Abigail Forsyth and her brother Jamie, outside one of their old cafes in the late 1990s

Abigail waxay sheegtay in koobabkooda ay noqdeen sida wax dadka oo dhan ay sii sugayeen, isla markiiba la kala boobay.

Muddo lix saacadood gudahood ah waxay ku iibiyeen ilaa 1,000 koob.

“Noocii ugu horreeyay ee aan sameynay waxaa lagu jeclaaday qaabka ay yihiin,” ayey tiri, “Dadka waxay dhahayeen ‘ma aqaanno waxa uu yahay, laakiin hal mid iga sii’.

KeepCup employees in a warehouse

Dhowr sano gudahood ayuu gacansigooda sare ugu kacay, ilaa markii dambe dalabaadkooda ay aad u bateen. Waxay sheegtay inay ka qeyb galeen bandhigyo ganacsi oo dhowr ah.

Dakhliga sanadkii usoo xarooda shirkaddooda ayaa lagu soo waramay inuu yahay 8 milyan oo doolarka Australia ah, oo u dhiganta 5 milyan oo doolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here